Xaflado lagu maamuusayo Maalinta Haweenka Adduunka oo maanta dhowr meelood oo Muqdisho ku yaalla lagu kala qabtay

Isniin, Mar 08, 2010 (HOL) -Xaflado kala duwan oo lagu xusayay maalinta Haweenka Adduunka iyo Soomaaliya ayaa lagu kala qabtay goobo kala duwan oo Magaalada Muqdisho ku yaalla, waxaana xaflad ka mid ah ay ka dhacday Tiyaatarkii hore ee Qaranka.

Madaxtooyada oo lagu qabtay Xaflad weyn ayaa waxaa halkaas ka hadlay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyagoo sheegay in loo baahan yahay in la daryeelo haweenka Soomaaliyeed oo ay dhibaatooyin kala duwan ku haysato dalka iyo dibadda.

Wasiirro iyo Xildhibaanno ka hadlay xafladaha ayaa waxay qireen in dhibaatooyin aad u badan ay haystaan haweenka Soomaaliyeed xilligan, loona baahan yahay in wax laga qabto, iyagoo sheegay in dowladdu ay kaalin ka qaadanayso wax u qabashada haweenka.

"Haweenku waa laf-dhabarka bulsho walba oo caalamka joogta, iyadoo haweenka Soomaaliyeed ay astaan buuxda u yihiin difaaca dalka, kobcintiisa iyo horumarka uu gaaray" ayay tiri Madaxa Haweenka ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Xaflad tan oo kale ah oo lagu qabtay Tiyaatarkii hore ee Qaranka oo ay ka qaybgaleen haween fara badan ayaa waxaa lagu soo bandhigay haween askar ah oo xiray dharka ciidamada wataha qoryo fudud.

Wasiiradda Horumarinta Reer Miyiga ahna sii hayaha xilka Wasaaradda Isboortiga Xildhibaanad Qadiijo Maxamed Diiriye oo xafladdaas ka hadashay ayaa sheegtay inay fureen sanduuq lagu taakuleynayo haweenka Soomaaliyeed dhaqaalihii ugu horreeyayna uu maanta ku dhacay.

"Sanduuqan waxaan uga golleennahay in lagu caawiyo haweenka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa Min Raas-Caseyr Illaa Raas-Kambooni, waxaana sidoo kale u furtay Akowno ay lacag kusoo shubaan haweenka caalamka ku nool" ayay tiri wasiirradda.

Dhanka kale, xaflad iyadana lagu qabtay xarunta COGWO ee Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay mas'uuliyiin badan oo ka tirsan urur-weynahaas haweenka Soomaaliyeed iyagoo sheegay inay ku talinayaan in xuquuqda haweenka Soomaaliyeed la difaaco.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya