Booliiska Gobolka Taxes ee dalka Mareykanka oo sheegay inay qabteen wiil Soomaali ah oo qorsheynayay inuu qarax geysto

Isniin, Mar 08, 2010 (HOL) - Booliiska ka hortaga dambiyada ee Gobolka Taxes ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inay qabteen ruux Soomaali ah oo la sheegay inuu damacsanaa inuu qaraxyo ka geysto Warshad uu ka shaqeynayay oo gobolkaas ku taalla.

Ruuxan oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Xaashi ayay booliisku sheegeen inay baaritaanno ku sameyn doonaan, kaddib markii ay hadalka ku saabsan inuu damacsan yahay inuu qaraxyo geysto ay ka heleen dad Soomaali ah oo ay isla shaqeeyaan.

Mustafa Sheekh oo ay saaxiibo ahaayeen Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ula yaabay xariga loo geystay saaxiibkiis, isagoo sheeegay inuu ahaa ruux dagan oo aan laga filan karin falal noocaas ah inuu sameeyo ama uu u hanjabo dad Soomaali ah oo ay isla shaqeeyaan.

Wiilkan Soomaaliga ah ayaa lagu hayaa xabsi aan la sheegin oo ku yaalla Gobolka Texis, iyadoo aan weli wax dacwaddiisa ah loo gudbin Maxkamad, balse Booliisku waxay ku adkeysanayaan inuu dambiile yahay.

Dhalinyaro ay iskala shaqeynayeen Warshadda la sheegay inuu qorsheynayay inuu qaraxyada ka geysto ayaa sheegay inuu ugu hanjabay inuu dili doono, uuna qarax ka geysan doono warshadda xilliga lagu jiro shaqada, ayna dacwad gaarsiiyeen Booliiska Gobolkaas.

Maxamed Maxamuud Xaashi oo ah eedeysanaya ay gacanta ku hayaan Booliiska ayaa ka shaqeynayay Warshadda muddo toddoba bilood ah, iyadoo aanu booliisku kasoo saarin wax tafaasiil ah dambiga loo haysto wiilkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya