Isniin, March 08, 2010 (HOL) - Roobab Mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ku nool qeybo kamid ah gobolka j/hoose islamarkaasina geystay qasaare isugu jira Naf iyo Maal ayaa shalay ilaa maanta waxa ay si xoog ah uga da’ayaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka j/hoose.
Goobaha ay roobabkani sida xooga leh uga da’een ayaa waxa kamid ah Degmada Afmadow, Deegaanka Qooqaani, Taabto iyo Weliba Deegaanka dhoobley oo dhamaantoodba ka tirsan gobolka j/hoose, waxa ayna sheegayaan wararka aynu ka heleyno magaalooyinkaasi in roobabkii shalay da’ay ay geysteen Qasaaro isugu jiray naf iyo maal.
Deegaanka Dhoobley ee dhaca cirifka galbeed ee gobolka j/hoose oo kamid ah magaalooyinka ay sida weyn uga da’een roobabka ayaa waxa lagu soo waramayaa in roobabkii shalay ka da’ay deegaankaasi ay ku naf waayeen laba haween ah oo kamid ahaa dadka deegaanka dhoobley oo lakala oran jiray Marxuumad Cibaado Cismaan iyo Kaaho Kuusow, kuwaa oo lagu soo waramayo in ay ku dhinteen biriq ama unkad uu watay Roobkii shalay ka da’ay deegaanka dhoobley.
Dhanka kale Degmada Afmadow iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa lagu soo waramayaa in roobab kuwaasi lamid ah ay ka da’een, iyadoo laga cabsi qabo in roobabkaasi ay hakad geliyaan isu socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha deegaanada iyo degmooyinka ku yaal gobolka j/hoose.
Sikastaba ha ahaatee roobabkani ka curtay qaar katirsan Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka J/hoose ayaa ku soo beegmaya iyadoo lagu gudo jiro dabayaaqada xilliga jiilaalka oo ay dadka xoola dhaqatada ah ee ku nool gobollada jubooyinka u yaqaanaan roobabka xiliyadan oo kale da’a (6-kore), waxaa ayna sidoo kale Roobabkani ka da’ay qeybo katirsan Gobolka J/hoose ku soo beegmayaan xilli dadka ku nool Magaalada Kismaayo iyo qaar katirsan Deegaanada Waqooyiga ka xiga ay la haadaa dhacayaan kuleylo ba’an oo jira.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya