Lamaanaha u dhashay dalka Britain ee lagu haysto Soomaaliya oo loo ogolaaday todobaadyo kaddib inay meel wada-joogaan

Isniin, Mar 08, 2010 (HOL) - Lamaanayaasha u dhashay dalka Britain ee lagu haysto Soomaaliya ayaa la sheegay in kooxaha haystay ay u ogolaadeen inay isku meel joogaan, kaddib todobaadyo lagu kala hayay laba meelood.

Dr. Maxamed Cilmi Xangul oo u warramayay Wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in kooxaha gacanta ku haya labadan qof ay isku soo celiyeen Axaddii si ay hal meel ugu hayaan.

"Paul iyo Richel Chandler waxay aad uga walwalsanaayeen kala maqnaashahooda, waayo mudada ay ku jiraan gacanta afduubayaasha inteeda badan waxaa lagu kala hayay laba meelood" ayuu yiri Dr. Xangul oo mar baaritaan ku sameeyay labadan qof ee la haysto.

Lamaanahan ayaa lagu haystaa bartamaha Soomaaliya tan iyo markii afduub ahaanta loo qabsaday bishii Oktoobar ee sannadkii hore, xilli ay ku-gudo jireen dalxiis ay isaga gooshayeen dalalka Seychelles iyo Tanzania.

"Afduubayaashu Taleefoon ayay ii soo direen Axaddii shalay, waxayna ii sheegeen inay si KMG ah isugu keeneen Paul iyo Richel" ayuu mar kale yiri Dr. Xangul oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Kooxaha haysta labadan qof ayaa ku xiray in laga bixiyo lacag madaxfurasho ah oo Malaayiin Dollar ah, si ay u sii daayaan, iyadoo ehellada labadan qof ay dhowr jeer oo hore codsadeen in si shuruud la'aan ah lagu sii daayo labadan qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya