Jimco, July 02, 2010 (HOL) - Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Max'ud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ugu baaqayaan dalalka ay ka socdaan Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan inay ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dalalka Burundi iyo Uganda ay gaarsiinayaan fariintan ka hor inta aysan dhibaatooyin ka badan kuwa hadda gaaray aysan kala kulmin Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
"Madaxda labada dal ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaan u sheegayaa in ciidamadooda ay kala baxaan Soomaaliya maadama Mareykanku uusan u soo gurman karin markii dhibaatooyin badan la gaarsiiyo" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Afhayeenku wuxuu sheegay in dhibaato badan ay Soomaaliya kasoo gaartay ciidamadii Itoobiya oo muddo laba sano ahaan dalka ku sugnaa, ayna markii dambe iska baxeen iyagoo lugeynaya, ayna ciidamadooda taasoo kale ku dhici karto.
"Waxaan idiin sheegaynaa in Mareykanka uu horay u adeegaday Itoobiya uuna ku khasaaray, idinkana aadan ilmihiinna ku dhameyn xabbada, Soomaaliya waxaa iska leh Soomaali iyaga ayaana aayaheeda go'aan ka gaaraya" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sheekh Cali Dheere ayaa hadalkiisan kusoo beegay iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka socdaan dagaallo ay qayb ka yihiin ciidamada AMISOM, isla markaana uu kaga gubtay dagaallada mid ka mid ah gaadiidkooda dagaalka.
Dagaallo horay uga dhacay Muqdisho ayaa waxaa ciidamada AMISOM kaga gubtay mid ka mid ah gaadiidkooda dagaalka, kuwaasoo sawirradooda loosoo bandhigay Saxaafadda Muqdisho iyo midda caalamka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
AFHAYEENKA XARRAKATUL-SHABAAB: "Dalalka Burundi iyo Uganda waxaan ugu baaqaynaa inay ciidamadooda kala baxaan dalka Soomaaliya"
More News
- Daahir Riyaale oo aqbalay Natiijadii Doorashada Madaxtinimada ee Somaliland
- Xaflad lagu xusayay munaasabadda 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Xaafadda Störa ee Dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)
- Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay ku jirto dagaal isdifaacid ah oo weli ka socda Waqooyi Muqdisho
- Munaasabad lagu qabtay Beledweyne oo shahaado lagu gudoonsiiyay Ardey dhameystay Barsahada Caafimaadka.
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay inuu mid ka mid ah gaadiidkooda dagaalka ku gubtay goobaha dagaalka markii uu dab qabsaday
- Faahfaahin Ku saabsan dagaallo maalintii Shanaad ku dhexmaraya Muqdisho Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab
- Khudbaddii Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Axmed-Siilaanyo ee natiijada Doorashada