Afhayeenka AMISOM oo sheegay inuu mid ka mid ah gaadiidkooda dagaalka ku gubtay goobaha dagaalka markii uu dab qabsaday

Jimco, July 02, 2010 (HOL) - Afhayeenka Ciidamada AMISOM Maj. Behuko Barigye ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah gaadiidkooda dagaalka uu gubtay, isagoo xusay inuu dab ka dhashay gudihiisa, waxayna ciidamadan qayb ka yihiin dagaalka socda.

Maj. Behuko wuxuu beeniyay hadal kasoo baxay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ahaa inay AMISOM ka gubeen Taangi dagaalka, balse isagu wuxuu sheegay in dab uu ka dhashay gudaha Kaaraha ayna inta badan dhacdo marka dagaallada lagu jiro, isagoo ka gaabsaday inuu sheego tirada askarta ku dhintay.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid been ah, wuxuuna xusay inay iyagu gubeen taangiga ayna ka carareen ciidamadii AMISOM ee ka barbar dagaalamayay kuwa Dowladda Soomaaliya.
"Haddii ay runtiis tahay oo uu dab ka kacay Taangiga maxay u qaadan waayeen oo ay kaga carareen, warkaas waa been, mana ahan markii ugu horreysay oo uu sheego Maj. Behuko wararkan oo kale" ayuu yiri Afhayeenka Xarrakatul Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Askari ku dhintay gudaha Taangiga la gubay iyo qaybo ka mid ah taaniga saakay lasoo dhigay Isgoyska Baar Ubax oo ah goob ay aad ugu xooggan tahay Xarrakatul Shabaab si ay u caddeeyaan guushooda

Afhayeenkaa AMISOM Maj. Barigye wuxuu sheegay in ciidamadooda ay dagaalka galeen markii loosoo dhaawaaday saldhigyadooda, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan u joojin inay dagaallo galaan, balse ay xaq tahay inay isdifaacaan haddii ay khatar galaan.

Mar la weydiiyay inay dagaalka ku jiraan ayuu sheegay in haddii hadafkii ay ka lahaayeen ay ka gaaraan aysan dagaalka sii wadayn, wuxuuna xusay in dagaalka socda saakay ay qayb ka yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya