Faahfaahin Ku saabsan dagaallo maalintii Shanaad ku dhexmaraya Muqdisho Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab

Jimco, July 02, 2010 (HOL) - Dagaallo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa maalintii shanaad ka socda Magaalada Muqdisho, gaara ahaan dhinaca waqooyi, iyadoo ay isa soo tarayaan khasaare ka dhashay madaafiic shalay ku hoobatay degmooyinkaas.

Subaxnimadii hore ee saakay ayay dagaallo xooggan dib uga bilowdeen Waqooyiga Magaalada Muqdisho iyadoo madaafiic badan ay ku dhacayaan xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Kaaraan, halkaasoo ay khasaare ka geysteen.

Inta la ogyahay tan iyo saakay waxaa ku dhintay dagaalladaas afar qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 10-qof oo kale, kuwaasoo qaarkood ay gaadiidka gurmadka deg-degga ah ka qaadeen goobahaas.

Sidoo kale waxaa kordhaya khasaare ka dhashay Madaafiic illaa xalay ku dhacayay degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Boondheere iyo Shibbis, waxaana dhimashadu ay maraysaa 24-qof, halka ay dhaawacyadu marayaan 75-qof oo kale.

"Dhaawacyadii illaa xalay aan ka qaadnay degmooyinka Waqooyi iyo kuwo dhinaca koonfurta ku yaalla sida Xamarweyne iyo Xamarjajab oo rasaasta dagaalku ay gaaraysay waxay gaarayaan 73-qof oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur yayar" ayuu yiri Cali Muuse Sheekh oo ah Madaxa Gaadiidka Gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho.

Madfac ku dhacay dhisme ay dad badan kaga gabbanayeen Madaafiicda oo ku yaalla Suuq Bacaad ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 17-qof oo intooda badan ay ahaayeen Haween, waxaana ku dhaawacmay 22-qof oo kale.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay dadkii ku noolaa degmadaas ay saakay bilaabeen inay isaga barakacaan guryahooda, iyadoo sidoo kale ay madaafiici ku dhacayso degmadaas.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa uguna waqtiga dheeraa ee Muqdisho ku dhexmara Dowladda Soomaaliya iyo Xarrakatul Shabaab, waxaana labada dhinac ay ka kala sheegteen guulo dagaalka oo weli socda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya