Munaasabad lagu qabtay Beledweyne oo shahaado lagu gudoonsiiyay Ardey dhameystay Barsahada Caafimaadka.


Jimco, 2, Luulyo, 2010 (HOL) Munaasabad siweyn loo soo agaasimayay islamarkaana ay soo qaban qaabiyeen Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Al-Mazdar oo ku yaala Magaalada Beledweyne ayaa waxaa Shahaado lagu gudoonsiiyay Ardey isugu jirtay Gabdho iyo Wiilal dhameystay Barshada Caafimaadka.

Maamulaha Dugsiga Al-Mazdar C/raxmaan Max'ed C/llaahi oo munaasabada ka hadllay ayaa siweyn ugu dheereeday doorka iyo kaalinta uu Bulshada uga jirro qofka wax bartay, gaar ahaan waxaa uu ku amaamay Ardeyda sidii ay u soo dhabar adeygeen ugu dadaalaan in ay sii wataan Waxbarshadooda xili uu Goballku soo maray daruufo adag oo qofka aan niyada fiican laheyn ka reebi kara in uu Waxbarto.


Sidoo kale waxaa halkaa iyaguna hadallo kooban ka soo jeediyay Marti Sharftii lagu casuumay munaasabada kuwaasoo ku amaanay dugsiga Al-Mazdar in uu waqtigan soo saaro Jiil cusub oo bushada ka saari kara baahida ay u qabaan in ay haleen dad aqoon u leh caafimaadka.

Ardeyda dhameystay Waxbarashada Caafimaadka ayaa halkaa lagu gudoonsiyay Jahaado ka tarjumeysa aqoontooda Caafimaad, waxaana qaarkood oo ay HOL la hadashay sheegeen in ay siweyn ugu faraxsan yihiin in ay Sanad kadib maanta yihiin kuwo wax badan kala socda cilmiga Caafimaadka, iyaga oo amaan gaar ah u jeediyay Maamulka iyo Macalimiinta Dugsiga Al-Mazdar.

Magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan waxaa ka furan dugsiyo kala duwan kuwaasoo qaarkood lagu barto cilmiga Caafimaad kuwaasoo Ardeydii ay soo saareen ka mid yihiin Shaqaallaha Caafimaadka Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Somalia