Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay wadahadalladii u soo gabagaboobay ergooyin kala matalayay Dowladda iyo Ahlusunna

Sabti 20, Feb 2010 (HOL) Xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay wadahadalka xubno ka tirsan xukuumada ay lasoo gebagebeyeen ergo ka wakiil ah Ahlu-sunna Wal-jamaaca Shir muddo uga socday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Go’aankaas wuxuu soo baxay kaddib markii Golaha Wasiirradu isugu yimid shirkii todobaadlaha ee lagu qabtay xarunta Dowladda ee Magaaladan Muqdisho iyadoo uu shir Guddoominayay Ra’iisul Wasraraha Dr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Shirka golaha wasiirada wuxuu ku tilmaamay in wada-hadallada u dhammaaday Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Ahlu-sunna Wal-jamaaca ay fure u noqon doono dib-u-dhiska, isu soo dhawaanshaha iyo mideynta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Dr. Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa sheegay in wada-hadallada ay ku saleysan yihiin geedi socodkii dib-u-heshisiinta iyo nabadeyntda ee dawladda loogu soo dhisay Magaalada Djibouti bishii February 2009, wuxuuna Cumar Cabdirashiid intaa raaciyay in albaabada dawladdu u furan yihiin cid kastoo si nabad ah wax ku doonaysa.

Wasiiradu waxay sidoo kale ka doodeen Ajendayaal ka kooban ilaa 4-qodod oo kala ahaa: Warbixinta maraakiibta kallumeysiga ee sharikadda shifco ee soomaaliya ee yaala dalka yaman, sidii jaamacadda dawladaha carabta ay dawladaha ka tirsan u joojin lahayeen dhoofinta duhuxusha soomaaliya iyo sidii loo sii deyn lahaa dadka soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada wadamo ka tirsan qaaradaha afrika iyo asiya.

Wabillahi-Towfiiq

Cabduqaadi Maxamuud Walaayo
Afhayeenka DFKMG Soomaaliya

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya