Xukuumadda Washington oo iska fogeysay eedeyn kaga timid Qarammada Midoobay

Sabti, Feb 20, 2010 (HOL) Dowladda Mareykanka ayaa dhinac isaga riixday hadalkii kasoo baxay Hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay ee ahaa inay gargaarkii ay Soomaaliya siin jireen u isticmaalayaan qaab siyaasadeed.

 

Danjiraha Mareykanka u fadhiyada Qarammmada Midoobay Susan Rice oo saxaafadda la hadashay Jimcihii shalay ayaa sheegtay in eedda loo soo jeediyay xukuumadeedu ay tahay mid aan jirin oo la been abuuray.

 

"Ugu horreyn waxaan beeninayaa wararkaas eedda ah, waa kuwo la been abuuray oo aanay waxba ka jirin" ayay tiri Rice oo saxafiyiinta kula hadashay Magaalada New York oo ay ku taallo xarunta Qarammada Midoobay.

 

Hay'adaha Qarammada Midoobay u qaabilsan cunnada ee WFP ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu siyaasadeynayo gargaarka ay siiyaan Soomaaliya, taasna ay keentay in xaaladda bani'aadamnimo ee ka jirta Soomaaliya ay sii xumaato.

 

Danjire Rice waxay sheegtay in Hay'adda WFP ay iyadu joojisay howlihii ay ka haysay koonfurta Soomaaliya, iyadoo sabab ka dhiganaysa inay weerarro kala kulanto Xarrakatul-shabaab iyo kooxda kale ee ay is-xulufeystaan.

 

"Waa mid keliya sababta uu gargaarku u gaari waayay dadka ku gaajoonaya koonfurta Soomaaliya, taasoo ah Al-shabaab oo weeraraysa WFP iyo hay'adaha kale ee Qarammada Midoobay, sidoo kale Afduub ay u geysanayaan shaqaalaha aan waxba galabsan iyo lacag baad ah oo ay ka qaadayso" ayay tiri Susan Rice.

 

Hay'adda WFP ayaa bishii hore joojisay gargaarkii ay kawaday koonfurta Soomaaliya oo ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaab, iyagoo sabab uga dhigay baad lacageed oo laga qaado iyo shaqaalahooda oo loo hanjabo.

 

Xiriiriyaha Qaramada Midoobay uga wakiilka ah gargaarka Insaaniga ah ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa wariyeyaasha ugu sheegay todobaadkii Nairobi in Mareykanku uu arrimo siyaasadeed u joojiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya.

 

"Ma doonayno inaan Al-shabaab siino cashuur baad ah" ayuu afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka P.J. Crowley wariyeyaasha ugu sheegay Magaalada Washington, isagoo dafiray in Mareykanku uu siyaasadeynayo gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya.

 

Hadalladan ay isdhaafsanayaan Mareykanka iyo Qarammada Midoobay ayaa waxay kusoo beegmayaan iyadoo 42% dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar aadamnimo oo deg-deg ah. 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya