Taliyaha Ilaalada xeebaha ciidamada Badda Soomaaliya oo sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya ciidamadooda iyo kuwa Milateriga Soomaaliya

Sabti, Feb 20, 2010 (HOL) Sarkaal ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro khilaaf u dhexeeya ciidamadooda iyo kuwa Milateriga uuna dhawaan taliyahoodu ka badbaaday isku day dil oo lagu qaarijin lahaa.

 

C/qaadir Max'ud Max'ed (Sheekhey) oo ah taliyaha ciidamada Badda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu dhawaanahan jiray khilaaf u dhexeeya ciidamada Badda iyo kuwa Milateriga uuna dhexmaray dagaal kooban.

 

"Xeebaha Gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Hotel Curuba oo ay dagan yihiin cidamo ka tirsan kuwa Badda waxaa ka jira xiisado sababay inuu gacan ka hadal dhexmaro labada ciidan, waxaana haatan ku dhexjira ciidamo Booliis ah" ayuu yiri Sheekhey.

 

Sidoo kale taliyahan wuxuu sheegay in dagaaladii labada ciidan ay ka dhasheen markii weerar lagu soo qaaday saldhigooda, ayna weli iyagu ku sugan yihiin halkooda, ayna iska difaaci doonaan haddii lasoo weeraro.

 

Khilaafka labada ciidan u dhexeeya ayuu sheegay inuu ka dhashay dilka mid ka mid ah ciidamada badda ay u geysteen ciidamada Milateriga bishii hore, uuna khilaafkaas gaaray mee aad u xun.

 

C/qaadir Sheekhey wuxuu sheegay in taliyaha guud ee ciidammada Badda Amiral Faarax Qare uu dhawaan ka badabaaday isku day-dil oo lagu qaarijin lahaa, isagoo sheegay in weerarkaas ay qorsheeyeen ciidamo ka tirsan Badda.

 

Taliyuhu ciidamadaas oo ka cabanayay mushaar la'aan ay weerar ku qaadeen gaari uu watay guddoomiyaha degmada Xamarweyne, kaasoo ay u qaateen inuu watay taliyaha ciidamada Badda.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya