Mid ka mid ah La-taliyeyaasha sare ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay inuu xilkaas iska-casilay

Sabti, Feb 20, 2010 (HOL) Prof. Axmed Muumin Warfaa oo ka mid ahaa La-taliyeyaasha sarsare ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu xilkaas iska casilay xilkaas.

 

La-taliyahan ayaa sheegay inay waxba ka fuli waayeen talooyin dhowr ah oo uu siiyay Madaxweynaha taasna ay keentay inuu xilkiisa isaga casilo, wuxuuna sheegay inay jiraan la taliyeyaal kale oo howsha calwiyay.

 

"Maalintii doraad ahayd ayaan Madaxweynaha u diray warqadda aan isku casilayo, waxaan isku casilay sababo aniga ii gaar ah" ayuu yiri La-taliyaha, isagoo sheegay in uusan dib ugu laabanayn howshan.

 

Prof. Warfaa oo ka hadlayay talooyinka uu siiyay Madaxweyne Sheekh Shariif ee aysan wax ka hirgelin ayaa sheegay inay ka mid yihiin in la dhaqangeliyo federaalka, la dhimo golaha wasiirrada iyo in la sameeyo guddi la taliyeyaal ah.

 

"Madaxweynaha waxaan kala hadlay in wasiirrada laga dhigo 18-wasiir oo keliya, iyadoo meesha laga saarayo wasaaradaha aan howl qaban karin, sidoo kale waxaan kala taliyayay maamul goboleedyada inaan laga magacaabin Madaxtooyada ee ay dadku soo doortaan maamulladooa iyo in la sameeyo guddi La-taliyeyaal oo go'aan ka gaara talooyinka ugu dambeeya, intaas oo dhana wax waa ka fuli waayeen" ayuu yiri Prof. Axmed Muumin oo xilkaas ka tagay.

 

Inkastoo Madaxtooyada aysan war kasoo saarin iscasilaadda la-taliyahan ayaa wuxuu Prof. Warfaa sidoo kale sheegay inay jiraan la taliyeyaal fara badan oo uu sheegay inay gadaal ka calwinayaan talooyinka uu siinayay Madaxweynaha.

 

"Sababaha ugu waaweyn ee ay u hirgeli waayeen talooyinkayga waxaan u arkaan inay jiraan talooyin kale oo la bixiyay iyo inay jiraan in la doonayo in wax la kordhiyo ee aan la doonayn in wax la dhimo" ayuu Prof. Warfaa ku sheegay sababta go'aannadiisu ay u hirgeli waayeen.

 

Waa La-taliyihii ugu horreeyay oo sheega inuu xilka la-taliyaha Madaxweynaha iska casila xilkiisa muddadii sannadka ahayd ee ay dowladdan wadaagga ah jirtay, iyadoo Sheekh Shariif uu leeyahay la taliyeyaal fara badan.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya