Gudoomiyaha gobolka Mudug Axmed Cali Salaad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay jiraan odayaal loo xilsaaray damnita colaada labada dhinac dhex martay,taasi oo khasaarooyin kala duwan gaysatay.
"Waxaan amar ku bixinaynaa in reer guuraaga ay ka heshiiyaan arinta dhextaala,isla markaana la dhowro darisnimada iyo walaaltinimada "ayuu yiri godomiyaha isaga oo ku sugan magaalada Galkacyo
Godoomiyaha ayaa intaa ku daray in uu jiro xuduud u dhaxeeya labada dhinac,waxaana reer guuraaga koonfurta uu ku eedeeyay in ay ku soo xad gudbeen dhul daaqsin ka tirsanaa waqooyiga gobolka oo ay ku sugnaayeen reer guuraa ka soo jeeda puntland.
"Waxaan ku baaqaynaa in reer guuraaga koonfurta ay dib ugu laabtaan dhulkoodi ,maadaama aysan jirin wax abaar ah"ayuu hadalkisa sii raaciyay Axmed Cali Salaad
Dagaalada inta badan ka dhaca miiga gobolka Mudug ayaa gaysta khasaarooyin kala duwan ,waxaana dagaalki shalay uu ahaa mid sababay dhimasho iyo dhaawac
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Soomaaliya