Khamiis, August 05, 2010 (HOL) − Xukuumadda ra'iisul wasaaraha Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa lagu wadaa inay maanta hortagto baarlamaanka si kalsooni ay u weydiisato, sida ay maanta oo Khamiis ah ay xildhibaannada baarlamaanku u sheegeen saxaafadda.
Mudane Daahir C/qaadir Ciiro oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay in Sharma'arke iyo golihiisa wasiirrada ay horimaan doonaan baarlamaanka si ay sharraxaad uga bixiyaan waxqabadkooda muddadii ay shaqeynayeen.
"Ra'iisul wasaaraha Soomaailya iyo golihiisa wasiirrada waxay ka qaybgeli doonaan kulanka ay xildhibaannadu maanta ku yeelanayaan Golaha Shacabka, waxaana ay weydiisan doonaan baarlamaanka codka kalsoonida," ayuu yiri mudane Ciiro.
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa waxay ku qulqulayeen saakay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho, halkaasoo ay ku shirayeen bilihii ugu dambeeyay kaddib markii dayactir lagu sameeyay 19-sano oo ay burbursanayd kaddib.
Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa xukuumadda mooshin horay uga gudbiyay waxaana xukuumadu ay sheegtay inay hortagayso baarlamaanka, inkastoo aan la ogeyn waxa ay kala kulmi doonto hortagidda baarlamaanka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya