Khamiis, August 05, 2010 (HOL) − Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay sagaal qof oo kalena way ku dhaawacmeen madaafiicdii maqribnimadii xalay ku dhacay afaafka hore ee suuqa Bakaaraha gaar ahaan isgoyska Howlwadaag, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay dhamaantood ahaayeen shacab.
"Waxaan ka qaadnay Isgoyska Howlwadagaa dhaawacyada sagaal qof oo shacab ah, waxaana intii aan howsha ku jirnay aragnay dhimashada laba qof," ayuu yiri madaxa gaadiidka gurmadka deg-degga ah ee Muqdisho Cali Muusae Sheekh.
Madaafiicda khasaaraha geystay ayaa kasoo dhacay saldhigyada ay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ku leeyihiin Muqdisho, waxaana duqeymahan ay noqonayaa kuwo habeenkii labaad ku dhaca suuqa Bakaaraha.
"Markii laga soo baxay salaadda maqrib aya waxaa kusoo dhacay isgoyska Howl-wadaag madaafiic sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac, mana jirin xilligaas dagaallo iyo duqeymo kale oo socday." ayaan kasoo xiganay ruux goobjooge ah.
Dowladda KMG ah iyo AMISOM ayaan ka haldin duqeymaha habeenkii labaad ku dhacay suuqa Bakaaraha, iyadoo sidoo kalena kooxaha islaamiyiinta ah oo gacanta ku haya suuqaas aysan iyaguna ka hadlin duqeymahan.
Labadii habeen ee ugu dambeeyay waxaa madaafiic kala duwan ay ku dhaceen suuqa Bakaaraha, waxaana ku dhintay Siddeed qof, halka ay ku dhaawacmeen guud ahaan 40-qof oo kale, kuwaasoo la dhigay isbitaallada Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya