Madaxweyne Obama oo ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya

Khamiis, August 05, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Mareykanka Barack Hussein Obama ayaa ka hadlay xalaadda Soomaaliya, kaddib markii ay su'aal weydiisay gabar Soomaaliyeed oo ka mid ahayd dhallinyaro Afrikaan ah oo Obama uu kula kulamay Aqalka Cad.

Najma Axmed Cabdi oo ah gabar Soomaaliyeed oo ka mid ahayd 115-dhallinyaro ah oo kulan laba maalmood ah kula qaatay Obama Aqalka Cad ee Washington ayaa su'aasheedu waxay u dhacaysay: "Madaxweyne, Mareykanku diyaar ma u yahay inuu dhinaca dhaqaalaha iyo niyadda ka taageero dadka Soomaalida ah ee u ololeynaya dimuqraadiyadda."

Madaxweyne Obama ayaa aad ugu dheeraaday ka jawaabidda sua'aashaas iyadoo jawaabihii uu bixiyay ay ka mid ahaayeen in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu taageero dib u soo celinta nabadda Soomaaliya iyo dimuqraadiyad ka dhalata.

Obama wuxuu si weyn uga hadlay dhibaatada ka jirta Soomaaliya isagoo ku tilmaamay mid nasiibadarro ah, wuxuuna sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin inay gacan ka siiyaan Soomaalida sidii ay nabaddooda uga shaqeyn lahaayeen.

"Waxaa jecel nahay in Soomaaliya ay guuleysato, waxaana naga go'an inaan taageerno, balse waxaa nasiibdarro ah in maamul walba oo yimaada uusan xoogga saarin sidii ay dimuqraadiyaddu horumar u sameyn lahayd," ayuu yiri Brack Obama.

Madaxweynaha Mareykanka, wuxuu daboolka ka qaaday inay DKMG oo dadaal badan ku bixinaysa sidii nabadda Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa ay ka taageerayaan dhinac walba, wuxuuna sheegay inaysan ka daalayn nabadeynta Soomaaliya.

Dhallinyarada Afrikaanka ah ee kulanka la qaatay Madaxweyne Obama ayaa waxay isugu jireen kuwo u dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadda, kuwo ka shaqeeya xuquuqda aadanaha iyo ganacsato, waana midkii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca Aqalka Cad ee Mareykanka looga taliyo.

Obama ayaa hadalkiisa kusoo gabgabeeyay fariin uu sheegay in Najma ay u sheegto qof walba oo Soomaali ah oo ay la kulanto, taasoo ah in Mareykanku uusan marna ka seexanayn sidii nabad iyo dimuqraadiyad loo gaarsiin lahaa Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya