
Jimco, September 25, 2009(HOL): Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa maanta waxay rasaas ku fureen gaari Ambulance ah oo waday meydka Captain u dhashay Suuriya, kaasi oo xalay Kooxo Burcad Badeed ah ay ku dileen meel u dhow Dekedda Muqdisho.
Rasaastaas waxaa la sheegay in uu ku dhaawacmay Nin Ganacsade ah oo ka mid ahaa ganacsato uu u rarnaa Markab lagu Magacaabo MV Barwaawo , kaasi oo uu kaxeynayay Captainka la dilay.
Captain-ka ayaa waxaa dilay Kooxo Burcad Badeed ah oo doonayay in ay Markabkaas qafaashaan xili uu ku soo dhawaa Dekedda Muqdisho. Meydka Captain-ka ayaa waxaa la qorsheynayay in laga dhoofiyo Garoonka Diyaaraaha Aadan Cadde, si loo gaarsiiyo Dalkiisa Suuriya.
Markabka ayaa waxaa Kooxaha Burcad Badeedka ka badbaadiyay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ee ilaalada ka haya Dekedda Muqdisho, wuxuuna Markabka haatan ku xiran yahay Dekedda Mqudisho.
Waxaa isweydiin leh sababta ay Ciidamada Amisom u rasaaseeyeen gaari Ambulance ah oo weliba la yaqaano in gurmad deg deg ah uu u sameeyo dadka ku dhaawacma Dagaallada mudada dheer ka socda Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, inkastoo uu jiray war uu sii daayay Taliska Ciidanka Soomaaliyeed kaasi oo ahaa in Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ay qorsheynayaan in ay weerarro kale oo ismiidaamin ah u adeegsan rabaan Gaadiidka gargaarka deg degta ah ee Ambulance-ta.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, rasaasta ay ciidamada Amisom ku fureen gaarigaas Ambulance-ta ah ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan saldhigga ugu weyn ee Ciidamada Amisom ku leeyihiin magaalada Muqdisho lagu qaaday weerar ismiidaamin ah, kaasi oo ay u adeegsadeen kooxihii fuliyay labo gaari oo ay ku taallay calaamadda UN-ka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya