Jimco, September 25, 2009(HOL): Kulankan ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya, waxayna Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ku nool ay warbixin ka dhegeysan doontaa Wasiirka Lacagta Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Inj. Yariisow).
Sidoo kalena Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa iyadana waxay gaar ahaan wasiirka iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliya u gudbin doontaa wixii talo ah ee ku saabsan sida wax looga qaban karo Mushkiladda Soomaaliya ka taagan.
Haddaba Ururka New Somali Forum ayaa wuxuu ku wargelinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK in ay ka soo qeybgalaan kulankaas oo dhici doona maalinta berri ah oo ay bisha September ku beegan tahay 26.
Goobta uu shirkaas ka dhici doono ayaa wuxuu Ururka ku sheegay in ay tahay Resource Centre 356 Holloway Road, London N7 6pa time: 17:00
Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaa lagala xiriiri karaa:
07551446840 mohamed hassan
e-mail: [email protected]
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya