
Jimco, 25 September 2009 (HOL): Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta muddo-kordhin ay raalli ka yihiin Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland u sameeyay Madaxweyne Rayaale. Taas oo ka bilaabmaysa 29 October ee sanadkan oo hore u ahayd waqtiga ay ka dhammaanayso muddada rasmiga ah ee hore loogu kordhiyay.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen 78 Mudane, ayaa maanta la filayay in codaynn loo qaado Dood la xidhiidha muddo-kordhin loo sameeyo Madaxweyne Rayaale, taas oo labadii maalmood ee u dambaysay ka socotay Xarunta Golaha. Hase ahaatee, waxay taasi meesha ka baxday ka dib markii Shirguddoonka Golahaasi ay la socodsiiyeen Mudanayaasha inay go’aan soo gaadheen, isla markaana ay ka soo sameeyeen Qoraal, kaas oo ay halkaa ka akhriyeen. “Iyadoo la garanayn waqtiga dib u sixiddu qaadanayso iyo iyada oo aan la rabin in dalku ku dhaco dawlad-la’aan..Muddo-kordhinta Madaxwenuhu waxay ka bilaabmaysaa 29-ka October 2009 Ilaa bil ka dib marka ay Doorashadu dhacdo.” Ayuu ahaa nuxurka Qoraalkaasi. Waxaanay Shirguddoonku ka dalbadeen in codayn loo qaado Qoraalkaasi.

Mudanayaasha Golaha ayaa codayn ay u qaadeen ka dib, waxa Shirguddoonka Golahaasi halkaa kaga dhawaaqay natiijadii Codaynta. “Mudanayaasha Golaha ku sugani waa 78 Xubnood, waxa ogolaaday 77, Guddoomiyahuna muu codaynin. Sidaas ayay ku ansaxday” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golahaasi.
Xalay fiidkii ayaa Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, waxa uu Madaxweyne Rayaale iyo Mudanayaasha Guurtidaba uga digay inay muddo-kordhin aan heshiis lagu ahayn kordhiyaan, waxaanu sheegay inay qaadi doonaan masuuliyadda wixii ka dhasha haddiiba ay sameeyaan muddo-kordhin aan loo dhammayn.
Dhinaca kale, Guddoomiyayaasha Axsaabta Mucaaradka ah ee UCID iyo KULMIYE oo iyana xalay Shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa uga digay Madaxweyne Rayaale muddo-kordhin aanay ku wada-socon Axsaabtu. Waxaanay Mudaharaad ugu baaqeen Shacabweynaha. Hase ahaatee, Madaxweyne Rayaale ayaa xalay iyo maantaba Shirar-jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada, kuwaas oo aanu ku marti-qaadin Warbaahinta Madaxa bannaan, marka laga reebo Saddex TV iyo Idaacad.
Dadweynaha ku dhaqan Hargeysa oo ka jawaabayay dalabka Mucaaradka ee inay mudaharaad isugu soo baxaan, ayaa isugu yimi agagaarka Cusbatalka weyn ee Hargeysa oo aan sidaa uga fogayn Xarunta Baarlamaanka. Kuwaas oo u dheg-taagayay go’aanka Guurtida. Hase ahaatee, markii ay maqleen go’aanka Kordhinta, loona sheegay inay tahay sidii ay Axsaabtu dalbadeen, ayay si nabadgelyo ah u kala dareereen, ka dib markii ay hal-ku-dhegyo ka dhan ah Madaxweynaha kaga dhawaaqeen Jidadka dhexdooda.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland