Jimco, September 25, 2009(HOL): Magaalada Kampala ee xarunta u ah Dalka Uganda ayaa waxaa maanta ka furmay shir seddex geesood ah oo ay leeyihiin Dowladaha Uganda, Burundi iyo Soomaaliya, iyadoo shirkaasina uu yahay mid looga hadlayo arrimaha mileteriga seddexdaas Wadan.
Shirkan ayaa waxaa isugu yimid Wasiirrada Gaashaandhigga seddexda Wadan, sidoo kalena waxaa ka qeybqaadanaya saraakiil dhinaca Mileteriga ah, waxaana ajendaha ugu sarreeya ee shirkan lagu sheegay ammaanka Soomaaliya.
“Ammaanka Soomaaliya ayaa meel sare kaga jira ajendayaasha shirkan looga hadlayo”sidaasi waxaa wakaaladda Wararka AFP u sheegay Afhayeenka Ciidamada Uganda Lieutenant Colonel Felix Kulayigye.
Shirka ay Kampala ku leeyihiin Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya, Uganda iyo Burundi ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadkii hore dabayaaqadiisii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday saldhigga ugu weyn ee ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Muqdisho, iyadoo weerarkaasna ay ku dhinteen 21 ruux oo u badnaa Ciidamada Amisom, kuwaasi oo uu ka mid ahaa Taliye ku xigeenkii Ciidamada Amisom.
Tan iyo markii uu weerarkaas dhacay waxaa soo kordhayay hanjabaado ka imaanayay dhinaca kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo sheegay in ay weerarro kale ku qaadi doonaan saldhigyada Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku yaalla.
Dowladaha Uganda iyo Burundi ayaa waxaa ka jooga Magaalada Muqdisho Ciidamo kor u dhaafaya 5000 oo Askari, kuwaasi oo marar kala duwan Soomaaliya la geynayay tan iyo bishii Maarso ee sanadkii 2007.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya