
Axad, 18 October 2009 (HOL)- Marwo Foosiya Muuse (Foosiya-gaabo) oo ah hooyada ugu gaban dumarka Somaliland, ayaa markii afraad qalliin lagu sameeyey habeenkii sabtidii ee taariikhdu ahayd 15 October, taasoo lagaga soo saaray ilmo ay si caadi ah u dhali kariweyday.
Foosiya-gaabo ayaa habbeenimadii Khamiistii lagu qalay cusbitaalka Guud ee Hargeysa, waxaana qalliinkaas oo dhakhaatiirtu ku guulaysteen lagaga soo saaray ilmihii afraad ee lagu qalo oo ah wiil, kaas oo si caafimaad qabta ifka ugu soo baxay.
Foosiya Muuse oo u warantay Weriye ku booqday Cusbatalka Hargeysa oo ay jiifto waxay u sheegtay in iyada iyo ilmaheeda yarba caafimaadkoodu aad u fiican yahay, balse
ay dhib badan iyo rafaad soo martay.
“Xaaladayda caafimaad aad bay u wanaagsan tahay Alxamdullilaah, dhakhaatiirta oo dhan ayaa i caawisay iyagana Ilaahay ha garab galo, waxaana qabanqaabada ugu weyn lahaa Dr. Aw Koombe, abaalkiisana ma gud karayo. Ilmaha yarna caafimaadkiisu aad buu u fiican yahay,” ayey tidhi hooyo Foosiya-gaabo.
Hooyo Foosiya oo weriyuhu waydiiyey inta ay leekayd dhibta ka soo gaadhay fooshii iyo qalliinkii lagu sameeyey, waxay ku jawaabtay; “Kuwii hore (carruurtii hore) waxba maan dareemine, laakiin kan waa run oo dhibaato badan ayaan kala kulmay ka timi awood la’aan, isku nuug iyo inaga oo aan is buulayn, haddana Alxamdullilaah dhakhaatiirtaydaas ayuu Ilaahay ii barakeeyey.”
Mar la weydiiyey halka ay ku sugan yihiin carruurteedii kale iyo cidda u haysa, waxay tidhi; “Cidna kuma ogi dadkaa Ilaahay mooyaane ee aabahood ayaa qaaday oo kolba jaarka u geenaya.”
Foosiya Muuse (Foosiya-gaabo) waxay sheegtay inkasta oo ay dhashay afar carruur ah oo dhammaantood lagu wada qalay, haddana inay jeceshahay inay carruur kale dhasho. “Ubad lagama dhergee, haddana waxaan is leeyahay weli wad, waayo ubad lagama dhergo,” ayey tidhi Foosiya-gaabo.
Kadibna waxa weriyuhu su’aalay, miyaanay taasi naftaada halis gelinayn marka mar walba qalliin lagugu sameeyo, waxaanay tidhi, “Waa la qoray wixii lagu dhimanayo.”
Hooyo Foosiya Muuse (Foosiya-gaabo) waxay si wayn ugu mahadnaqday dhakhaatiirta qalliinka ku samaysay, waxaanay si gaar ah u ammaantay Dr. Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Aw-koombe). Waxa kale oo ay aad ugu mahadnaqday dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan reer Hargeysa oo ay sheegtay inay si fiican u gacan qabtaan.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland