Axad, October 18, 2009(HOL): Dekedda weyn ee magaalada Kismaayo oo aysan wax doomo ganacsi ahi ku soo xiran mudo dhan 5 bilood ah ayaa iminka waxa ku xiran ilaa 6 doomood kuwaas oo sida shixnado ganacsi oo kala duwan waxaana ay dekeddu hadda u muuqataa in ay si rasmi ah u furantay.
Maareeyaha Dekedda Caalamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Cali Mahdi ayaa maanta shaaca ka qaaday in Marsada caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ay dib u furantay kaddib 5 bilood oo aysan wax doomo ahi ku soo xiran iyadoo lagu guda jiray bilaha loo yaqaan badxiranka oo aalaaba aysan soo xiran wax doomo ganacsi ah.
Dhalinyarada ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa intooda badan waxa ay ka xamaashaan marsada caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, waxaana saaka mar aan booqday dakada magaalada Kismaayo aan ku arkay boqolaal dhalinyaro ah kuwaas oo u soo shaqo tagay sidii ay uga xamaalan lahayeen Doomaha ku xiran dekedda isla markaasina sida shixnadaha ganacsi ee kala duwan.
Sikastaba ha ahaatee dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dib uga furmay marsada caalamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa ku soo beegmaya xilli ay shaqo la'aan baahsani ka cabanayeen qaar kamid ah dhalinyarada iyo gaadiidleyda iyagu ka shaqeyn jiray dekedda magaalada Kismaayo ee xarunta u ah gobolka J/hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya