Axad, October 18, 2009(HOL): Ciidamadii Itoobiya maalmihii aynu soo dhaafnayba ku sugnaa duleedka Galbeed ee Magaalada Beledweyne ayaa sida ay sheegeen dadka deegaaanka waxaa ay dib ugu laabteen dhulka Islaamulka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan degmada Mustaxiil oo loo maleynayo in markii horeba ay ka soo ruqaansadeen.
Ciidamada oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka iyo kuwa lagu daabulo Askarta ayaa mudadii ay ku sugnaayeen duleedka Galbeed ee Magaalada Beledweyne waxaa ay sameeyeen howlgallo u badan la socoshada dhaqdhaqaaqa kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda, iyo deegaannada qaarkood oo la sheegay in ay ka qabqabteen dhaliyaro ay ku tuhmeen in ay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah walow markii dambe ay sii daayeen.
Maalmihii aynu soo dhaafnay oo ay Ciidamadu ku sugnaayeen Galbeedka Magaalada Beledweyne waxaa jiray cabsi iyo shaki soo food saaray kooxaha Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne gaar ahaan xaafadda Howl-wadaag, inkastoo haddana uusan waxba ka badalin dhaqdhaqaaqii Ciidamada Itoobiya Maamulka kooxaha Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya Beledweyne.
Sikastaba ha ahaatee, Ciidamada Itoobiya ee ku sugan xadka Goballka Hiiraan uu la wadaago dhulka Islaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa inta badan waxaa ay dhaq dhaqaaqyo ka sameeyaan qeybo badan oo ka mid ah Goballka Hiiraan iyaga oo dhowr jeer oo hore gudaha u soo galay Magalaada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee dhawaan soo galay Galbeedka Magaalada Beledweyne oo dib ugu laabtay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya
More News
- Hooyada Somaliland ugu gaaban oo markii Afraad Ilmo lagu qalay
- Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in uu soo qabqabtay rag ku labisan dharka ciidamada Dowladda oo falal amni darro ah gacmaha kula jiray
- Dekedda Weyn ee Magaalada Kismaayo oo dib u howl bilowday
- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE oo bedelay xubintii uu hore ugu magacaabay Guddida Doorashooyinka Somaliland
- Maamulka Puntland oo xabsi sanado kala duwan ah ku xukumay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah oo ay Ciidamada Faransiiska ku soo wareejiyeen
- Maamulka Xisbul Islaam ee Degmada Luuq oo sheegay in ay u soo galeen Ciidamo ka soo goostay Dowladda Soomaaliya