Axad, October 18, 2009(HOL): Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in uu soo qabqabtay rag ku labisnaa dharka ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo falal amni darro ah ka geysanayay magaalada Muqdisho.
Taliyaha Qeybta Bartamaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga Afar Irdood ee degmada Xamarweyne ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen ciidamada Booliska Soomaaliyeed lagu soo qabtay rag ku labisnaa dharka Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Taliye Cali Gaab waxaa uu sheegay in ragga ay soo qabteen ay tobaneeye gaarayaan, wuxuuna caddeeyay in raggaas ay isugu jiraan kuwo la soo qabtay iyagoo falal burcadnimo ah gacanta kula jira, halka kuwo kalena la soo qabtay iyagoo dharka Ciidamada ku labisan hubna wata, isla markaana la ogaaday in aysan ka tirsaneyn Ciidamada Dowladda.
Taliyaha Qeybta Bartamaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay amniga ku sugayaan, wuxuuna caddeeyay inay howlgallada burcad la-dagaalanka ah bilaabeen kaddib markii ay soo gaareen cabashooyin badan oo ka imaanayay dadka shacabka ah ee ku dhaqanka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Xamarweyne.
Shalay ayay ahayd markii Xildhibaan Daahir C/qaadir Muuse uu sheegay in ay dhac u geysteen rag ku labisan dharka Ciidamada Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka qaateen taleefoon gacan-qaad ah (mobile) oo uu lahaa.
“Aniga Xildhibaan ahaan kula hadlaya ayaa Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo dharkii Ciidamada qaba waxay iga qaateen Mobile-keygii, haddii aysan waxba i yeelinna waan siiyay Mobile-kii”ayuu yiri Xildhibaan Daahir C/qaadir Muuse.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya