Jimco, November 06, 2009(HOL): Kooxo Burcad Badeed Soomaali ah ayaa ku hanjabay in ay dilayaan seddex muwaadin oo Spain u dhashay, kuwaasi oo ka mid ah shaqaale ay ku heystaan dusha Doon kalluumeysi oo dalka Spain laga leeyahay, waa haddii bey yiraahdeen aanan naloo soo daayin rag saaxibadood ah oo Dalka Spain ku xiran.
Kooxdan Burcad Badeedka ah ayaa horay u sheegtay in aysan madax furasho ku dooneynin sii deynta Doonta Kalluumeysi ee Spain laga leeyahay, balse ay taasi bedelkeeda doonayaan in loo soo daayo labo nin oo ay Ciidamada Spain ka qabteen kaddibna loo duuliyay Dalka Spian, si halkaas loogu maxkamadeeyo.
“Waxay kaxeysteen seddex ka mid ah shaqaalaha, waxayna qabsadeen muddo labo maalmood ah oo ay ku doonayaan in loogu soo daayo ragga laga heysto, haddii loo soo deyn waayana waxay sheegeen in ay seddexdaba dilayaan”sidaas waxaa yiri Ricardo Blach oo ah Captain-ka Doonta Alakrana ee ay kooxaha Burcad Badeedka heystaan.
“Haddii muddo labo maalmood gudahood ah aan la arkin wax calaamad ah oo muujinaya in labada nin ee Soomaaliga ah la soo deynayo, wey dilayaan seddexda nin, kaddibna waxay kaxeysan doonaan seddex kale si ay u dilaan”ayuu hadalkiisa ku sii daray Captain Ricardo Blach.
Captain Ricardo Blach waxaa uu sheegay in shaqaalaha saaran Doonta Alakrana ay yihiin kuwo la dulleystay oo aad u cabsanaya, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay Dowladda Spain in ay sii deyso raggaas Soomaalida ah.
“Waxaan halkan joognaa in ka badan 30 maalmood, waxaana ugu baaqi lahaa Dowladda Spain in ay badbaadiso shaqaalaha Doontan saaran oo badankood ay Spain u dhasheen”ayuu yiri Captain Ricardo Blach oo sheegay xalka arrintooda uu ku jiro gacanta Dowladda Spain.
Ugu dambeyntiina, shalay ayay ahayd markii ay Kooxaha Burcad Badeedka ah ee heysta Doonta Alakrana ay la degeen seddex rag ah oo ka tirsanaa shaqaalaha saaran doontaas, kaddibna ay ula dhaqaaqeen dhinaca Berriga, iyagoo dabadeedna ku hanjabay in ay seddexda ragga ah dili doonaan haddii aaney Dowladda Spain u soo deynin labo rag ah oo ay ka heyso.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya