Jimco, November 06, 2009(HOL): Kooxda Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Somalia (Sharmog) waxa ay canbaareynaysaa muujinaysaana sida ay uga xuntay falkii ay Kooxda Al-Shabaab ku xireen Xafiisyadii Ururada Bulshada rayidka ah ee ka howl geli jiray Magaalada Buulo Xaawo ee Gobalka Gedo.
Xafiisyadaan oo xiristooda loo cuksaday amar kasoo baxay Madaxda Ururka Al-Shabaab ee Gobalka Gedo ayaan la sheegin sabab muuqata oo loo xiray xafiisyadaas marka laga reebo in dadka ka shaqaynayey ay ahaayeen Haween taasina ay kasoo hor jeeddo Shareecada islaamka sida uu sheegay Madaxa Alshabaab ee Gobalka Gedo, Sheikh Da’ud Mohamed.
Ururrada Bulshada rayidka ah ee xafiisyadooda la xiray ayaa kala ahaaa, Halgan Business Women's Organization, Sed-Huro Human Rights Organisation iyo Farxaan Women for Peace, oo dhamaantoodba ahaa ururo u shaqayn jiray rayidka gaar ahaan Haweenka gobalka, waxaana Ururka Xuquuqda Aadnaha ee Sharmog uu ka daalbanayaa Ururka Al-Shabaab in ay si shuruud la’aaan ah u ogolaadaan in ay Ururadaas dib u howl bilaaabaan maadaama aaanay jirin sabab shaarci ah oo ay usii xiraadaan.
"Xayiraadda la saaray Ururada Bulshada Rayidka ah ee Buulo-Xaawo ayaa waxaa ka horreeyey go’aano lagu mamnuucayey howlgalka dhowr hay’adood oo ka shaqayn jiray Arrimaha gargaarka Banii aadamnimo ee ka tagan dalka Somalia, waxaana kamid ah Care International, IMC,UNDP iyo kuwa kale. Ururka Sharmog waxa uu ka dalbanayaa Maamulka Geddo in uu ka noqdo talaaabadaas ka dhanka ah Ururadaas taasoo ka hor imaanysa baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha Qodobkiisa 3-aad ee qeexaya Xorriyadda Qofka iyo Shareecada Islaamka iyo Dhaqanka suuban ee Soomaalida oo aan marna dood gelin sida haweenku ay u yihiin lafdhabarka Bulshada hagaagsan"ayaa lagu warsaxaafadeed uu soo saaray Ururka Dabagalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoog, kaasi oo uu ku saxiixna Madaxa Ururka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (Sharmog) Abdurahman Sheikh Hassan.
Hiiraan Online News Desk