Maamul cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir (DAAWO SAWIRRO)


Bidix: Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dhexda Madaxweynaha iyo Ku simaha Ra'iisal Wasaaraha


Jimco, November 06, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa bedeshay maamulkii gobolka Banaadir ee uu guddoomiyaha ka ahaa Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, iyadoo maamul cusub oo KMG ah u magacawday Gobolka.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa maamulka cusub lagu magacaabay, iyadoo xafladdaasn ay ka qeybgaleen Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, Ku Simaha Ra’iisal Wasaaraha, ahna Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Prof. C/raxmaan Ibbi iyo Wasiirro iyo xildhibaanno.


Guddoomiyaha cusub  ee maamulka G/Banaadir Inj. C/risaaq Nuunne


Guddoomiyaha cusub ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa loo magacaabay C/risaaq Maxamed Nuur Nuunne kaasi oo ku xigeenno looga dhigay seddex guddoomiye ku xigeen oo kala ah C/salaam Daahir Cabdulle, Warsame Maxamed Xasan iyo Iimaan Nuur Iikar.

Goobta lagu magacaabay madaxda maamulka cusub waxaa joogay madaxdii hore ee gobolka  Banaadir oo aan ka xusi karno Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur iyo C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey.

Madaxdii hore ee G/Banaadir Bidix:: Dhagaxtuur iyo Shaawey


Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo xafladda ka hadlay ayaa soo dhaweeyay isbedelka lagu sameeyay maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna caddeeyay in ay diyaar u  yihiin in ay xilka ku wareejiyaan maamulka cusub, ayna la shaqeeyaan.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/risaaq Maxamed Nuur Nuunne oo isna xafladda ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyihii hore Dhagaxtuur sida qiimaha leh ee uu u soo dhaweeyay magacaabistiisa, wuxuuna caddeeyay in aysan kala maarmin maamulka cusub iyo midkii hore.

Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ahaa mid ay soo doorteen Gole deegaan oo u sameysnaa qaab Baarlamaan oo kale, waxaana dadaalka maamulkaas lagu sameeyay lahayd Xukuumaddii uu Ra’iisal Wasaaraha ka ahaa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), halka maamulkan uu yahay mid dikreeto lagu magacaabay.

madaxda cusub ee gobolka Banaadir Midig: Min Guddoomiye, ku xigeenno ilaa Xoghayaha Guud



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya