Jimco, November 06, 2009(HOL):Sarkaal ka tirsan Ururka Xisbul Islaam ayaa xalay lagu weeraray laguna dhaawacay deegaanka Lafoole ee ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Sarkaalka la dhaawacay oo lagu magacaabo C/llaahi Hilowle ayaa wuxuu ka tirsanaa Taliyayaasha Ciidamada Xisbul Islaam ee deegaanka Lafoole, waxaana weeraray isagoo ka soo degay gaari uu la socday rag hubeysan.
Guddoomiyaha Xisbul Islaam ee Deegaanka Lafoole Shiikh C/weli Cabdi Maxamed oo weerarka sarkaalkaas lagu qaaday ka hadlay ayaa sheegay in rag burcad ah ay soo weerareen sarkaalka, wuxuuna sheegay in ilaaladii sarkaalka la socotay iyo kooxihii burcadda ahaa ay is-rasaaseyn dhexmartay, taasina ay keentay in uu gacan ka dhaawacmo Sarkaalka, halka uu xusay in uu qof rayid ah ku dhintay is-rasaaseyntaas.
“Ciidamada Xisbul Islaam ayaa ku raad-jooga kooxihii sarkaalka soo weeraray, mana jirto cid gaar ah oo aan ilaa iyo hadda ku sheegi karno in ay weerarkaas ka dambeysay”ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbul Islaam Deegaanka Lafoole Shiikh C/weli Cabdi Maxamed.
Dhawaan ayay ahayd markii deegaanka Ceelasha Biyaha lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Xisbul Islaam, kaasi oo ay toogteen kooxo hubeysan oo aan iyo ilaa iyo haatan la sheegin ciddii ay ka tirsanaayeen, marka laga reebo Ururka Xisbul Islaam oo sheegay in uu baarayo ciddii ka dambeysay dilka sarakaalkaas oo Daalibaan lagu naaneysi jiray.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya