Jimco, May 15, 2009(HOL): Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in uu difaaci doono haddii la soo weeraro dowladda Soomaaliya, isla markaana uu qaadi doono tallaabooyin muuqda.
Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicolas Bwakira ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi waxaa uu ku sheegay in Midowga Afrika uu tallaabooyin muhiim ah qaadi doono haddii ay kooxaha ka soo horjeeda isku dayaan in ay af-gembiyaan, wuxuuna caddeeyay in haddii ay xaaladda ugu muuqato faro-ka-bax ay taageero weydiisan doonaan ciidamada caalamka ka socda ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.
Waa uu ka gaabsaday Nicolas Bwakira in uu sheego nooca ay yihiin tallaabooyinka ay qaadayaan, wuxuuna sheegay in ciidamadooda oo hadda ku eg nabad ilaalin ay qaadi doonaan tallaabooyin kale oo dheeraad oo ay ku difaacayaan Dowladda Soomaaliya.
Mar wax laga weydiiyay hub la sheegay in ay Dowladda Eritrea siisay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya waxaa uu sheegay in Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya ay arrintaas shaaciyeen, hayeeshee urur ahaan ay baaritaan ku hayaan, marka uu baaritaankaas u soo dhamaadana ay ka hadli doonaan.
Hadalka uu sii daayay Nicolas Bwakira ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay magaalada Muqdisho ka dhacayeen dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda, kuwaas oo qorsheynaya in ay Dowladda xukunka tuuraan.
Midowga Afrika ayaa wuxuu horay ugu ballanqaaday Soomaaliya ciidamo gaaraya 8000 oo Askari, kuwaasi oo magaca Amisom uga howlgeli doona Soomaaliya, hayeeshee waxaa ilaa iyo haatan laga hayaa dalabkaas ciidamo ku dhow 5000 oo askari.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya