Madaxweynaha Yemen oo ugu baaqay Wadamada Carabta iyo kuwa Soomaaliya la saaxibka ah in ay ka shaqeeyaan sidii ay u nabadeyn lahaayeen Soomaaliya

Jimco, May 15, 2009(HOL): Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Yemen Shiikh Shariif Shiikh Axmed  iyo Cali Cabdalla Saalax ayaa waxay ka wada hadleen Xaaladda Dalka Soomaaliya iyo xiriirka labada dal ka dhaxeeya.

Madaxweyne Saalax ayaa wuxuu u sheegay madaxweynaha Soomaaliya in dowladdiisa iyo shacabkiisa ay garab taagan yihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isla markaana ay gacan ka geysanayaan sidii loo soo celin lahaa xasiloonidii Soomaaliya.

Intaas kadib madaxweyne Saalax waxaa uu ugu baaqay Wadamada Carabta, gaar ahaan kuwa Soomaaliya la deriska ah iyo kuwa saaxibka la ah in ay u istaagaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dib u dhiska Soomaaliya, isagoo farta ku fiiqay in nabad ka dhalata Soomaaliya ay dan weyn ugu jirto gobolka oo dhan.

Madaxweynha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa isna wuxuu si weyn ugu ammaanay madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax sida uu mar kasta u garab taagan yahay dalka Soomaaliya, uuna isugu shuqlayo in ay Soomaaliya nabad ka dhalato.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Soomaaliya