Dagaallo culus oo ka dhacay deegaannada Maxaas iyo Wabxo oo ka kala tirsan Goballada Hiiraan iyo Gal-gaduud

Jimco,15, 2009 (HOL)  Dagaalo culus oo ay ka qeyb qaadanayaa wajiyo kala duwan ayaa maanta ka qarxay deegaannada Maxaas iyo Wabxo oo ka kala tirsan Goballada Hiiraan iyo Gal-gaduud ee bartamaha Soomaaliya.
 
Dagaalka hore oo ka dhacay deegaannka Maxaas ee Goballka Hiiraan ayaa warar soo baxaya sheegayaan in uu ka bilaawday weerar ay soo qaadeen Xoogagga Al-shabaab oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka waxaana intaa kadib dagaalka ku soo biiray Ciidamo kale oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo ka yimid deegaannka Wabxo ee Goballka Gal-gaduud taas oo keentay in dagaal qaraar uu ka dhaco gudaha Maxaas.
 
Laakiin Saacado kadib ayaa waxaa uu dagaal kaa la mid ah uu ka qarxay deegaannka Wabxo ee Goballka Gal-gaduud halkaa oo ay isku fara saareen Ciidamada Ahlu sunna Waljameeca iyo Xoogagga dhaq dhaqaaq Diimeedka Al-shabaab ma'na jiro ilaa hadda wax war oo ku saabsan khasaaraha dagaalka inkastoo warar lagu ogaaday Is-gaarsiinta (Taarka) ay sheegayaan in dagaalkii ka socday deegaannka Maxaas wali socda.
 
Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in inta la og-yahay dagaalka Maxaas dadka ku dhintay ee la arkay ay gaarayaan ilaa 5 Ruux oo ka kala tirsan dhinacyada dagaalku dhaxmaray iyo dadka rayidka ah.
 
Dagaalka ka dhacay deegaannka Maxaas ee Goballka Hiiraan ayaa daba jooga mid maalmo ka hor ku dhaxmaray Maxaas kooxo deegaannka ka tirsan iyo dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab kaa oo inta la og-yahay ay ku geeriyoodeen ilaa 10 Ruux halka intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
 
Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ayaan ilaa hadda wax war ah ka soo saarin dhaq dhaqaaqyada dagaal ee ka jira Goballka Hiiraan, waxaana mar aad la hadasho Mas'uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Goballka kuu sheegayaan oo kaliya in ay ka war hayaan in dagaalku jiro laakiin aysan bixin karin wax intaas dhaafsiisan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]