Xaaladda xaafadihii ay dagaalladii ka dhaceen ee Magaalada Muqdisho oo saaka deganaan laga dareemayo

Jimco, May 15, 2009(HOL): Waxaa saaka deggan xaaladda xaafadihii ay dagaallada ka dhaceen ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa ku yaalla Degmooyinka Wardhiigley, Yaaqshiid iyo Boondheere.

saaka wax dagaal ah kama jiro xaafadihii ay dagaallada ka dhaceen, hayeeshee waxaa weli is-horfadhiya ciidamadii dagaallamay, kuwaasi oo weliba fadhiya meelo isu muuqda, taasina waxay keeni kartaa in uu dagaalka dib u qarxo.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in ay socoto waan-waan ay wadaan odayaal iyo ganacsato ku sugan deegaannada ay dagaallada ka dhaceen ee degmooyinka Yaaqshiid, Wardhiigley iyo Boondheere, taasi oo ay dhinacyada dagaallamay kaga dalbanayaan in ay dagaallada joojiyaan, isla markaana ay goobaha rayidka ka saaraan ciidamada.

Dagaallo muudo 8 maalmood ah ka dhacayay magaalada Muqdisho ayaa waxay geysteen dhimashada dad ka badan 150 ruux iyo dhaawac 400 oo ruux gaaraya, kuwaasi oo u badan dad rayida h.

Saameyn kale oo uu dagaalkan geystay ayaa waxay tahay in dad badan oo rayid ah oo ku noolaa Degmooyinka Wardhiigley, Boondheere iyo Yaaqshiid ay si aad ah uga barakaceen guryahooda, iyadoo u qaxay xaafado aaney dagaallo ka jirin oo Muqdisho ku yaalla iyo Gobollada Shabeellooyinka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Soomaaliya