Madaxweynaha Soomaaliya oo Doxa kula kulmay Madaxweynaha Yemen

Talaado, March 31, 2009(HOL): Waxaa maanta xiligii duhurka ka hor kulan ku wada yeeshay Magaalada Doxa ee Dalka Qatar wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha Yaman mudane Cali Cabdala Saalax.
 
Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, waxaana madaxweynaha soomaaliya uu uga mahad celiyay dhiggiisa Yaman Dowrka uu ku lahaa dib u heshiisiinta soomaaliya iyo nabad ku soo dabaaliddeeda, wuxuuna  sidoo kale mahad gaara uu uga celiyay Yaman qaxootiga soomaaliyeed sida ay u marti gelisay.
 
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu si gaar ah ugu mahad celiyay Dowrka diplomaasiyadeed ee ay ka ciyaarayso Yaman sidii ay soomaaliya uguna suurta geli lahayd in dib lugaheeda ugu istaagto iyo mid ah.
 
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa faahfaahin dheeriya ka siiyay Madaxweynaha Yaman xaalka soomaaliya, iyo talaabooyinkii ay dowladda u qaaday, dhinacyada siyaasada iyo ammaankaba, gaar ahaan ka howlgalida magaalada muqdisho, iyo sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dib u heshiisiinta iyo in dhidibada loo taago dowlad ka hanata ammaanka soomaaliya soona celisa kala danbeyntii.
 
Dhankiisa Madaxweynaha Yaman oo la hadlaya madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa  uu yiri “ Waxaan aad ugu faraxsanahay in arinta soomaaliya ka soo raynayso ilaa intii lagu doortay, shakina iigama jiro inaad awood u leedihiin inaad soomaaliya dhidibada u taagtaan, nabada iyo kala danbeyntii in soomaaliya dib u soo ceshato”
 
Madaxweynaha Yaman waxaa uu ballan qaaday  inuu shaqsiyan, xukuumaddiisa iyo shacabka Yamanba ay garab istaagayaan Soomaaliya si ay u soo noqoto Nabaddii, Midnimadii si ay ugu suurtgasho labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah in iskaashi dhan walba ah uu dhex maro.
 
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Yaman Cali Cabdala saalax waxay diirada saareen dhibaatada ay labada dalba u leedahay iyo dunidaba Burcad Badeedka, waxayna isla  garteen in xalkeedu ku imaan karo in la garab sitaago dowlada, iyo in labada dalba si gaara iskaga kaashadaan la dagaalanka burcad badeedka.
 
Waxaa dhanka Yaman Shirka ku wehliyay Madaxweynaha Yaman, La taliya dhanka siyaasada Madaxweynaha Yaman C/kariim Al- Iryaani, Wasiirka Arimaha Dibada Abubakar AL- Qirbi iyo Safiirka Yamane ee Qatar, C/malik Saciid Cabdo.

Cqaadir Maxamed Cusmaan(Barnamij)
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya
Doha- Qatar..
Mobile:  974 318 536 9