Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga iyo Maamulka G/Banaadir oo ka wada hadlay xus loo sameynayo 15-ka May


Talaado, March 24, 2009(HOL): Mas’uuliyiin ka kala socday Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga  iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay shir ku yeesheen Xarunta KMG ah oo ay Wasaarada Dhalinyarada Isboortiga ku leedahay gudaha Xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

Shirkan ay mas’uuliyiinta seddexda dhinac isugu yimaadeen ayaa waxaa soo agaasimay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble, waxaana looga gol lahaa in laga wada hadlo sidii xus weyn oo maalmo socda loogu sameyn lahaa 15-ka May oo ku beegan maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka oo shirka furay ayaa wuxuu u soo jeediyay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo uu metelayay Guddoomiyaha Guddigaas Aadan Xaaji Yabarow Wiish iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo uu metelayay Guddoomiyaha Gobolka, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur in TartanIsboorti lagu maamuuso maalintaas, Tartankaasna loogu magac-daro Tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Xuska Maalinya Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

Wasiirka Isboortiga oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in tartankaas ay uga gol-leedahay wasaaradda in dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir ay is-dhexgalaan, isla markaana ay ciyaarahaas ka qeybgalaan iyagoo kala taageeraya degmooyinka Gobolka.

Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo hadalka qaatay ayaa wuxuu soo dhaweeyay soo jeedinta Wasiirka, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qeybqaataan xuska maalintaas, wuxuuna caddeeyay in xuskaas ay uga qeybqaadanayaan Ciyaaraha Fudud, Kubadda Kolayga iyo Kubadda Cagta.


Waxaa iyana madasha ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka GOS Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman), Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur Mugambe, Ku simaha Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Ibraahim Xuseen Roombe iyo Xoghayaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud Faarax Cali Macallin, waxayna dhammaantood ku waafaqeen Wasiirka in la qabto tartamo Isboorti oo lagu maamuusayo maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.


Qabashada Tartamadaas Isboorti oo ayaa waxaa qaban-qaabadooda loo xil-saaray Guddi sare oo ka kooban Wasaaradda Isboortiga, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo guddigaasna ay hoos-imaanayaan Guddi hoosaadyo seddex ah oo min 7 xubnood ka kooban, kuwaasi oo kala qaabilsan abaabulka, farsamada iyo ammaanka tartamadaas.

Dhanka kalena, Wasiirka Isboortiga Saleebaan Colaad Rooble oo ay la socdaan mas’uuliyiintii uu shirka la qaatay ee ka socday Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Maamulka Goblka Banaadir ayaa waxay booqasho gaaban ku tageen Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium oo uu dhisme ka wado Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo taageero maaliyadeed ka helay Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.


Wasiirka ayaa intii uu booqashadiisa watay waxaa uu booqday qeybta VIP-da oo uu dayactir ku socdo iyo Dhismayaal cusub oo Garoonka lagu kordhinayo, kuwaasi oo loogu talagalay in ciyaartoyda lagu xareeyo, wuxuuna warbixin ka qaadanayay intii uu garoonka joogay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur Mugambe.







Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia