Talaado, March 24, 2009(HOL): Seddex ruux ayaa geeriyootay, afar ruux oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kadib markii gaari BL ah oo ay la socdeen uu ku dhacay gaari kale oo nooca xamuulka ahaa.
Shilkan gaari ayaa wuxuu yimid kadib markii gaariga Xamuulka ah oo uu xakameyn waayay darawalkii waday uu ka hortegay Gaarigii BL-ka ahaa, sidaasna ay isugu dhaceen labada gaari ayna ku naf waayeen darawalkii iyo labo ruux oo kale oo qeybta hore la saarneyd.
Mid ka mid ah Dad goob-joog u ahaa shilkaas gaari ayaa HOL u sheegay in afarta ruux ee dhaawacantay ay saarnaayeen qeybta dambe ee gaariga BL-ka ah, dhaawacyadoodana ay ahaayeen kuwo aan cusleyn.
Dadkii ka dhawaa halka shirka gaariga ka dhacay ayaa waxay u soo gurmadeen dadkii dhaawaca noqday, kuwaasi oo qaarkood loo qaaday Isbitaallada Muqdisho, halka kuwo kalena farmashiyayaal ka dhow halka shirka ka dhacay looga dhayay meelihii ay dhaawacyada ka soo gaareen.
Shilalka Gaari ee ka dhaca Dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo aaneeyaa, iyadoo darawallada Baabuurta wada ay yihiin kuwo aan khibrad badan u lahayn kaxeynta gaadiidka, inkastoo aysan meesha ka marneyn in waddooyinkana ay burbursan yihiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia