Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay mawqifkiisa ku wajahan muddo-kordhinta M/weynaha Somaliland iyo ku-xigeenkiisa loo sameeyay

Talaado, March 31, 2009(HOL): Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in aanay aqoonsanayn Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa kuwo ku jooga sharci wixii ka dambeeya 6-da Bisha April, haddii aan laysaga iman Khilaafka Siyaasadeed ee Somaliland. Waxaanay sharci-darro ku tilmaameen go’aankii Golaha Guurtida Somaliland muddada ugu kordhiyeen M/weyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa.

Xisbiga Mucaaradka ah ee kulmiye oo maanta soo saaray War-Saxaafadeed arrintan ku aaddan, ayaa sheegay in kulan ballaadhan oo ay yeesheen Hoggaanka iyo Guddiyada Xisbigu ay isla gaadheen qoddobo ay ka mid yihiin in aanay Madaxweyne Rayaale iyo ku-xigeenkiisa u aqoonsan doonin Madaxda Somaliland, isla markaana aanay sidaa ula macaamuli doonin.

Xisbiga Kulmiye wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in dalka laga qabto Doorasho xor iyo xalaal ah, hase ahaatee taas masuuliyadeeda ay saaran tahay Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweyne Rayaale hoggaamiyo.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland