Golaha Odayaasha Dhaqanka Goballka Hiiraan oo ka digay in mar kale uu dagaal ka dhaco Magaalada Beledweyne

Khamiis, 19, Marso, 2009 (HOL) Sida uu HOL u sheegay Af-hayeenka Golaha Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan Nabaddoon Xasan Cilmi Hure (Xasan Dirir) kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Beledweyne waxaa ay kaga wada hadleen xiisad ka dhex taagan Maamulka ka dhisan Goballka Hiiraan iyo kooxo ka soo horjeeda oo sheegtay in ay ka tirsan yihiin Ururka Xisbul Islaam.
 
Xasan Dirir waxaa uu sheegay in dhinacooda ay soo gaareen farriimo ka dhan ah sida uu sheegay qorshe uu doonayo in Maamulka Islaamiga Goballku ku bilaabo howlihii Cashuur ururin ah kaasoo ay si weyn ugu soo horjeesteen sida uu hadalka u dhigay Mas'uuliyiin sheegtay in ay ka tirsan yihiin Xisbul Islaam.
 
"Annaga labada dhinac waxeynu ku wargalinay in aysan mar kale ku dagaallamin gudaha Magaalada Beledweyne, mana qaadan doonno in mar kale lagu dul dagaallamo shacabka masaakiinta ah ee nolasha la dagaallamaya”ayuu yiri Nabaddoon Xasan Dirir oo intaas ku daray in dhinaca Maamulka Goballka Hiiraan ay ku wargaliyeen in xiligan aan la qaadin Canshuur laga yaabo in dhibaato ka dhalato.
 
Kulanka Golaha Odayaasha dhaqanka Goballka Hiiraan ayaa Jawaab-celin u ahaa hadal uu warbaahinta siiyay Mas'uul sheegtay in uu ka tirsan yahay Ururka Xisbul Islaam kaasoo sheegay in ay aysan aqbali doonin Canshuur laga qaado goobaha ay joogaan, waxaana uu mas'uulkaasi sheegay in iyaga iyo kooxda Al-shabaab ay ka soo horjeedaan Maamulka ka dhisan Goballka Hiiraan inkastoo Mas'uul markii dambe u hadlay kooxda Al-shabaab uu beeniyay warkaasi.
 
Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Far-Libaax ee Galbeedka Magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay Nin Darawal ah oo ay dadka deegaanku ku macneeyeen dilkiisa in uu daba joogo dagaalkii maalin ka hor ka dhacay gudaha Magaalada Beledweyne.
 
Dadka ku dhaqan Magaalada ayaa cabsi ka muujinaya hanjabaadaha ay qalabka warbaahinta isaga jeedinayaan kooxaha isaga soo horjeeda Magaalada Beledweyne, waxayna cabsida ugu weyn ee dadku qabo ay tahay in mar kale uu dagaal dhaxmaro Ciidamada Maamulka Goballka iyo kooxaha ka soo jorjeeda.
 
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia