Khamiis, March 19, 2009(HOL): Shir looga hadlayay sugidda Ammaanka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu maanta ka dhacay xarunta Degmadaas.
Shirkan oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiinta sare ee Degmadaas iyo weliba Saraakiisha Ammaanka ayaa waxaa looga hadlayo falal amni darro ah oo dhawaanahan ku soo badanayay xaafadaha Degmadaas
Gunaanadkii shirkaas ayaa waxaa saxafiyiinta la hadlay Ku simaha Guddoomiyaha Degmada Wadajir, ahna Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Xasan Bootaan Xasan, wuxuuna sheegay in ay go’aansadeen in ammaanka gacan bir ah lagu qabto, isla markaana laga hortago kooxaha falalka amni darrada ah ka wada gudaha Degmadaas.
Dadka ku dhaqan Degmada Wadajir ayaa dhawaanahan waxay ka cabanayeen falal amni darro ah oo ay geysanayeen rag ku labisan Ciidamada Dowladdii TFG, kuwaasi dadka dhac iyo handadaad u geysanayay, iyadoo sidoo kalena ay jiraan isbaarooyin Darawallada Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay looga qaado lacag sharci darro ah.
“Uma dul-qaadan doonno in dadka la dhaco oo taleefoonnada Mobile-lada laga qaato, waxaad la socotaan in dhawaan miino lagu qarxiyay oo la dhaawacay Guddoomiyihii Degmada Wadajir Axmed Daaci, waxaa dhici karta in qofkii noo soo sheegi lahaa markii Miinada meesha la dhigayay in horay Taleefoonkii looga qaatay, taasina ma ahan mid aan raali ka noqon karno”ayuu yiri Xasan Bootaan Xasan oo sheegay in ay dadka ku dhaqan Degmada Wadajir ay ugu baaqayaan Wada shaqeyn.
Shirkan looga hadlayay Ammaanka Degmada Wadajir ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhawaan qarax miino lagu dhaawacay Guddoomiyihii Degmadaas Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci), kaasi oo dhaawaciisa loo qaaday dalka Dibaddiisa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia