Lacago Xukuumadda Somaliland soo daabacday iyo Golaha Wakiillada oo ka hadlay

Khamiis, March 19, 2009(HOL): Xukuumadda Somaliland ayaa soo daabacday Lacag Shilin Somaliland ah oo xaddi badan oo khalkhal gelisay Ganacsiga Suuqyada ee Magaalada Hargeysa,m taas oo ay sharci-darro ku tilmaameen Xubno ka mid ah Golaha Wakiillada ee Somaliland.

Lacagtan oo Afar Baabuur oo nooca waaweyn ee Xamuulka qaada ah, isla markaana iyada oo lagu ilaalinayo Baabuur Tikniko ah shalay galab lagu soo rogay Baanka dhexe ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka hadlay Xubin ka tirsan Golaha Wakiillada. “Golaha Wakiilladu waxba kalama socdo, Distoorkuna wuxuu dhigayaa in Golaha lacag kasta oo la soo daabacayo la soo mariyo. Laakiin, tani tii ugu horaysay maaha oo intii lacag la soo daabacayay mid keliya oo la soo hordhigay ma jirto, tanina kuwaa hore ee la iska soo daabacan jiray uun bay la mid tahay.” Sidaa waxa yidhi Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan) oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo ka hadlay Shixnaddo lacag cusub ah oo la sheegay in Xukuumaddu soo daabacday oo shalay timi dalka.

Xildhibaan Cali-Mareexaan waxa uu sheegay in aanu Golaha Wakiilladu wax xog ah ka haynin sababta xilligan Xukuumaddu lacagtan cusub u soo daabacday iyo xaddi ahaan inta ay tahay midna. “Dadkaa shacabka ah baanu kala mid nahay…Waxa Golaha loo soo marinayaa waxa weeye; dalku inuu u baahan yahay in kale ayuu Goluhu qiimeeyaa. Markaa markuu ku qanco xaddiga loo baahan yahayna la isla qiimeeyo baa lacag la soo daabici karaa, ujeedaduna waxa weeye in dhaqaalaha dalka lagu ilaaliyo. Laakiin, taasi ma dhacdo oo Baanka iyo Madaxtooyada uun baa is arka oo hadba xaddiga lacagta ay u baahan yihiin diyaarad ku soo rarta, taasina had iyo jeer culays dhaqaale ayay keentaa oo imikaba waa taas lacagtii kacday ee Sicir-bararkii Cirka isku shareeray. Haddii la isla ogaan lahaa, Goluhu qiimayn lahaa oo la odhan lahaa ma loo baahan yahay mise looma baahna,taasi ma dhacdeen. Haddiise loo baahan yahay xaddigee baa loo baahan yahay la isla qiran lahaa Sicir-barar ma dhaceen dadkana jaahwareer kuma dhaceen…Annagu waxaanu aragnay uun baabuur dhaadheer oo Waarraado ah oo magaalada (Hargeysa) soo geliyay uun, sida uu dadkaa shacabka ahiba u arkay.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaanku. Mar la waydiiyay sida ay Sicir-bararka u abuuri karto lacag Baanku soo daabacay, maadaama Baanku koontaroolo qiimaha lacagta, lacagaha intooda badana suuqyada u geliyo si aan Sicir-barar u dhicin, waxa uu ku jawaabay, “Baanku nidaamka lacagta isagaa ka masuul ah, laakiin waxa Baarlamaanada loo sameeyaa inay hay’ad walba ilaaliyaan, daba-gal ku sameeyaan oo ay jaan-gooyaan talaabooyinka ay xukuumaddu qaadayso, hadday Sharci tahay iyo hadday talaabo kale qaadaysaba. Markaa Distoorka waxa loogu qoray waxa weeye; waxaad doonto samee lama odhan, intaad doonto soo daabacana lama odhan. 54-aad ee Distoorka waxa loogu qoray ee loo yidhi lacagtii la soo daabacayo Baarlamaanka waa in laga ansixiyaa, waa in Golihii dadka ka wakiilka ahaa ilaaliyaa in aanay dadka lacagtoodu qiimo-dhicin.”

Mar wax laga waydiiyay lacagtani ay noqon karto lacago Golaha Wakiilladu ansixiyay, sida lacagta lagu bedelayo lacagta Shilin Soomaaliga ah ee laga isticmaalo Burco iyo Gobolada Bari iyo in kale, wuxuu Xildhibaanku ku jawaabay, “Lacagtaasi waxay ahayd 2007-dii, Miisaaniyaddii bay ku jirtay oo shan Bilyan bay ahayd, balse 2008-kii baa lacagta la soo daabacay waana ta suuqa wareegaysa.

Xaddiga Burco lacagta lagaga bedelayay waxay ahayd sagaal ilaa toban Bilyan, laakiin waxaanu maqalay in soddon Bilyan la soo daabacay. Annaga (Golaha Wakiillada) xaddiga lacagta nalagama ansixin ee qiimaha lacagta lagu soo daabacayo ayaa nalaga ansixiyay, taas baana lagu soo daray Miisaaniyadda, laakiin xaddiga lacagta loo baahan yahay (si loogu bedelo lacagta Giimbaarta Burco) iyo inta ay markii dambe soo daabaceenba way qariyeen. Balse, arrinta muhiimka ahi waxa weeyaan, xataa wax kasta ha soo daabaceena hadday bedelaan wax qabad uun bay u ahaan lahayd,” ayuu yidhi.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland