Banaanbax lagu dalbayay Nabad iyo Waxbarasho oo Muqdisho ka dhacay

Khamiis, March 19, 2009(HOL): Banaanbax aad u ballaaran oo lagu dalbayay nabad ka dhalata Magaalada Muqdisho guud ahaan, gaar ahaan Xaafadaha Degmada Hodan iyo in dib loo furo goobo waxbarasho oo Degmadaas ku yaalla ayaa maanta wuxuu ka dhacay Fagaaraha Tareebuunka ee Degmada Hodan.

Banaanbaxan oo uu soo qaban qaabiyay Midowga Ardayda Gobolka Banaadir ayaa dadkii ka qeybgalay oo u badnaa Arday ay ka xirmeen goobahoodii waxbarashada waxay ku dhaawaqayeen halku-dhigyo ay uga soo horjeedeen dadka nabadda ka soo horjeeda iyo dadka Waddooyinka iyo Goobaha Waxbarasho ka xiray, waxaana halku-dhigyadaas ka mid ahaa: WADDO XIRTE DOONEYNI MEYNO, NABADDA DIIDE DOONI MEYNO, WAXBARASHO DIIDE DOONI MEYNO iyo kuwo kale.

Guddoomiye ku xigeenka Midowga Ardayda Gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud oo la hadlay dadkii isugu soo baxa ka qeybagalay ayaa sheegay in Dagaallo ka dhacay Degmada Hodan iyo nawaaxigeeda ay ku xirmeen in ka badan 20 goobood oo ay waxbarasho ka heli jireen Arday badan oo Soomaaliyeed, “Goobahaas Waxbarasho waxay isugu jiraan Dugsiyo Hoose/Dhexe iyo Sare ah, Dugsiyo Qur’aanka lagu barto, Jaamacado iyo Machadyo, dhammaantoodna wey xirmeen, waxaana taas u sabab ahayd dagaallo ka dhacay meelihii ay ku yaalleen. Alle ayaa nabad na siin kara oo goobaheennii Waxbarashada noo suurtagelin kara in aan dib u furanno”ayuu yiri Maxamed Maxamuud.

Mid ka mid ah Ardaydii Dibadbaxa ka qeybgashay oo isna la hadlay Dadkii isu soo baxay ayaa sheegay in ay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ay ka codsanayaan in ay gacan ka geystaan sidii loo kala qaadi lahaa Ciidamo isku hor-fadhiyo Xaafado ka tirsan Degmada Hodan, si buu yiri ay noogu suurtagasho in aan goobaheenii Waxbarashada aan dib ugu laabanno.

Ugu dambeyntiiba, isu-soo-baxayaashii ayaa waxay socod ku mareen Waddooyinka dhowr oo dhexmara Degmada Hodan iyo Waddada Makka Al-Mukarrama, iyagoo ku dhawaaqayay intii ay socdeen in ay ka soo horjeedaan dagaallo dambe oo Muqdisho ka dhaca. Dagaalkii ugu dambeeyay oo ku dhinteen dad 50 ruux ka badan iyo dhaawac 150 ruux ka badan ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia