Khamiis, 25 June 2009 (HOL): Tababarkan ayaa waxaa lagu baranayay abuurista xirfad qofku uu ku raadsado nolol maalmeedkiisa waxaana ka qaybgalay dad badan oo xirfadlayaal ah oo ku sugan gudaha magaalada Boosaaso.
Hay’adda Diaconia oo dhawaanahanba waday qiimeyn ku aaddan u kuurgalka xirfadaha aqooneed ee dadka soomaaliyeed waxaana ay hayaddu go’aansatay in maanta xarun Hotel Karaama ee maagalada Boosaaso ay tababarkan ku saabsan abuurashada xirfadaha ku qabato.
Hay’addu waxay ay sheegtay in xiligan Soomaaliya laga heli karo dhalinyaro badan oo dhamaysatay dugsiyada sare iyo guud ahaanba waxbarashada aasaasiga ah kuwaasoo aan haatan haysan shaqo noloshooda ku filan isla markaana ay qaarkood bilaabeen falal aan wanaagsaday oo ka midyihiin sida inay ku biiraan malayshiyaad iyo inay isbaaraystaan.
Hay’addu haddii ay wado tababarrada noocaan ah waxay u muuqataa inay dhalin badan noloshooda wax ka badasho wa haddii ay joogteeysee waxuuna ku soo gabagaboobay tababarka jawi wanaagsan iyo sidii loo rabay
Iimaan Mohamed Gaani
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya