Amisom oo Idaacad ka furaneysa Magaalada Muqdisho

Khamiis, June 25, 2009(HOL): Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in uu dhawaan ka furayo Magaalada Muqdisho Idaacad ku hadli doonta Codka Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Amisom  oo lagu magacaabo Maj Felix Kulayigye ayaa shalay u sheegay Wargeyska Daily Monitor in howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (Amisom) uu helay qalab Idaacadeed.

“Qalabkaas wuxuu mar hore soo gaaray Bariga Afrika, waxaana hadda tababareynaa dadkii ka shaqeyn lahaa barnaamijyada Idaacaddaas tebin doonto”ayuu yiri Maj Felix Kulayigye.

Sida ay sheegayaan warar aanu ka helnay ilo mileterina waxay sheegayaan in Idaacaddan ay ku hadli doonto Dowladda Soomaaliya, isla markaana ay xoojin doonto baahinta ololaha ay Dowladda uga soo horjeedo kooxaha mucaaradka ku ah
 
Maj. Kulayigye waxaa uu beeniyay in sameynta Idaacaddan loogu talagalay in lagu burriyo wararka ka dhanka ah Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom ee ay sii daayaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Maj Felix Kulayigye in Idaacaddan ay baahin doonto barnaamijyo waxbarasho iyo kuwo kale oo ku saabsan sida lagu heli karo Soomaaliya oo nabad ah, wuxuuna ka gaabsaday in uu saadaal ka sii bixiyo barnaamijyada Idaacaddaas, “ma rabo in aan sii saadaaliyo waxyaabaha ay Idaacaddan ka shaqeyn doonto, aan sugno marka ay howl bilowdo, waxaanse kuu sheegi karaa in ay baahin doonto barnaamijyo waxbarasho”ayuu yiri Maj Felix Kulayigye.

Ugu dambeyntiina, Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bohoku oo isagoo ku sugan Magaalada London ee Dalka Britain u warramay Idaacadda BBCda ayaa xaqiijiyay in ay dhawaan Idaacad ka furi doonaan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya