Maxaa u qabsoomay wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya saacadihii ay ku sugnaayeen Magaalada Beledweyne?

Khamiis, 25, June, 2009 (HOL): Waxaa Talaadadii aynu soo dhaafnay ee 23-kii bishan ka  dagay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif Wafdi isugu jiray Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaa loogu tala galay in ay sii wadaan howlihii ay ka hayeen Goballka Hiiraan Wasiirkii Amniga Qaranka Dowladda Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan iyo Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay dalka Itoobiya C/kariin Faarax Laqanyo oo lagu dilay iyaga iyo dad kor u dhaafaya 40 ruux weerar Is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Beledweyne 18-kii bishan.
 
Marka laga soo tago Xildhibaannada ka tirsan Wafdiga gaaray Magaalada Beledweyne sidoo kale waxaa ka mid ah Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo horay uga tirsanaan jiray Mas'uuliyiintii dhinaca Naba-galyada Dowladdii C/llaahi Yuusuf Axmed, haddana kaalin fir frcoon oo dhinaca Nabad-galyada ah kaga jira Dowladda Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
 
Wafdiga 48-kii saac ee la soo dhaafay waxaa uu ka waday gudaha Magaalada Beledweyne dhaq dhaqaaqyo isugu jira kulamo uu la yeelanayo qeybaha Bulshada, iyo waliba Saraakiisha Ciidamada iyaga oo dhinaca kalana ururinaya macluumaad la xiriira sidii uu u dhacay weerarkii lagu dilay Wasiirkii Amniga Col. Cumar Xaashi iyo C/kariin Faarax Laqanyo  sida ay HOL u sheegeen ilo Xog-ogaal ah oo siweyn ugu dhaw dhaw kulamada socda.
 
Sidoo kale waxaa xusid mudan in xubno ka tirsan Wafdiga maalintii shalay u anba baxeen dhinaca deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan halkaa oo kulamo saacado badan qaatay ay kula yeesheen Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Itoobiya oo maalmihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa deegaanka Kala-beyr laakiin lama oga arrimaha ay ka wada hadleen labada dhinac.
 
Laakiin warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya kulanku ahaa mid intiisa badan looga wada hadlayay arrimaha nabad-galyada iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee ka jiray Goballka Hiiraan gaar ahaan sidii gacan looga wada geysan lahaa dib u soo calinta Nabada Goballka.
 
Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Kala-beyr iyo kulamada halkaa ka socda ayaa qeyb ka ah dalabkii dhawaan ka soo yeeray Dowladda Soomaaliya ee ahaa in wadamada dariska ah oo ay ku jirto Dowladda Itoobiya soo fara galiyaan xaalada dalka Soomaaliya si markaa loga hortago kooxo ay Dowladdu ku tilmaamay in ay isku soo baheysteen sidii loo af-ganbin lahaa.
 
Dadka ku dhaqan Magalaada oo maalmihii aynu soo dhaafnay siweyn ugu mashquulsanaa arrimaha ka socda gudah Goballka ayaa siweyn u hadal haya dhaq dhaqaaqyada ay wadaan Xubanaha ka socda Dowladda Soomaaliya ee isugu jira Xildhibaanada iyo Saraakiisha iyo ugu danbeyntii waxa ay ka badali karaan xaaladaha cakiran ee ka taagan Goballka Hiiraan.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]