Dowladda Mareykanka oo la sheegay inay hub iyo rasaas u dirtay Dowladda Soomaaliya

Khamiis, June 25, 2009(HOL): Wargeyska Washington Post oo soo xiganayay saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay Dowladda Mareykanka hub iyo rasaas u dirtay Dowladda Soomaaliya.

Wargeyska wuxuu intaas ku daray in ay Saraakiisha Mareykanka sheegeen in hubkaas iyo rasaastaas ay tahay mid looga hortegayo in ay dalka Soomaaliya la wareegaan gacan-ku-heyntiisa Islaamiyiinta mucaaradka ah ee ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.

Hubkaas ayuu sheegay Wargeyska in uu Muqdisho gaaray bishan bartamaheedii, isla markaana uu ku tegay si qarsoodi ah oo aan shaac ahayn. Dowladda Mareykanka ayaa waxay ka mid tahay Dowladaha sida weyn u taageersan Dowladda Soomaaliya.

Hubkan ay Dowladda Mareykanka ku siisay Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid uu go’aanka lagu bixiyay gaaray maamulka Madaxweyne Obama, iyadoo hubkani uu yahay mid lagu xoojinayo Ciidmada Dowladda Soomaaliya, si ay uga adkaadaan kooxaha ka soo horjeeda.

Haddaba iyadoo hubkaas la siiyay Dowladda Soomaaliya haddana xaaladda Soomaaliya waa mid aan deganeyn, Dowladda Soomaaliyana waxay maalmo ka hor ka codsatay Beesha Caalamka in ay Ciidamo u soo diraan Soomaaliya, si ay uga badbaadiyaan khatar ku soo fool leh.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya