Baarlamaanka Soomaaliya oo isku buuqay

Cabirka Farta

Mudanayaasha BAarlamaanka Soomaaliya oo fadhiya Guriga Umadda Jibouti-(Photo By: Maxamed Allman)
Talaado, January 27, 2009(HOL): Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta isku buuqay kadib markii uu guddoomiyaha Baalamaanka Shiikh Aadan Madoobe uu sheegay in berri la isku darayo Xildhibaannada TFG-da iyo kuwa ARS-ta, kadibna isla berriba la dooranayo Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Markii uu intaas yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa mar kaliya hareeyay hool shirka ee Guriga Umadda Jibouti buuq ay sameeyeen Xildhibaanno ka soo horjeeday go�aanka  uu ku dhawaaqay Shiikh Aadan Madoobe, waxayna sheegeen Xildhibaannadaas in aysan suurtagal ahayn in berri la doorto madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa jira warar sheegaya in Sii hayaha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe uu si weyn ugu ololeynayo in aan laga taaban xilkiisa Guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya, kaliya waxa la dooranayana uu noqdo Madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyay ee Shirka Baarlamaanka Soomaaliya ee Jibouti naga soo gaarayna waxay sheegayaan in arrinta buuqa keentay xal loo helay kadib markii uu baarlamaanka cod u qaaday.

200 oo mudane oo fadhiday kulankii maanta ayaa 193 mudane oo ka mid ah waxay u codeeyeen in aan doorashada la de-dejin oo lagu daro muddo shan maalmood ah oo ka bilaabaneysa 29-ka bishan, kuna eg 2-da Febraayo 2009, 6 mudane waa diideen in la kordhiyo waqtiga doorashada 1 mudane-na waa uu ka aamusay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia