SHIIKH SHARIIF: “Aad ayay muhiim u tahay in aan caddeyno Xiriirka aan la yeelaneyno dalalka deriska nala ah, waana in aan dhameynaa muranka waqtiga dheer….”

Cabirka Farta

Shiikh Shariif Sh. Axmed -Photo By: REUTERS/Abdiaziz Hassan
Talaado, January 27, 2009(HOL): Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka mid ah musharixiinta u taagan jagada madaxweynenimada Soomaaliya ayaa sheegay in uu rabo in ay Soomaaliya iyo Itoobiyaan ku wada noolaadaan nabad iyo deirsnimo-wanaag, sidoo kalena uu doonayo in uu maleeshiyooyinka ka dhigo ciidamo amni, uuna dib u soo dhiso haddii la doorto adeegyada bulshada Soomaaliyeed.

Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ay beesha caalamka ku tilmaanto qunyar-socod ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters oo uu wareysi gaar ah siiyay  in uu diyaar u yahay in uu wada hadallo siyaasadeed iyo kuwo diineed la galo xoogagga weli ka dagaallamaya Soomaaliya.

“Aad iyo aad ayay muhiim u tahay in aan caddeyno xiriirka aan la yeelaneyno dalalka deriska nala ah, isla markaana aan soo af-jarno muranka waqtiga dheer qaatay ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
 
“Taasi waxay caawin doontaa horumarka gobolka, maxaa yeelay faqriga gobolka ka jira waxaa sal u ah isku dhacyada oo sii socda, waana in aan arrintaas ka gudubnaa”ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Shiikh Shariif waxaa uu ka hadlay dilalka  iyo dagallada ka sii socda Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aan xiligan loo baahneyn in ay sii socdaan dilalka iyo dagaallada, “Waa waqtigii ay Dadka Soomaaliyeed Nabadda wada raadin lahaayeen, ayna ka  wada hadli lahaayeen danaha dadka iyo dalka”ayuu yiri Shiikh Shariif.

“Xoogagga Muqaawamada waxay u dagaallamayeen in ay Itoobiya ka saaraan Soomaaliya, weyna ka saareen, sidaas darteed ma jirto sabab ay u sii dagaallamaan, ayna u dilaan dad badan oo Soomaaliyeed”ayuu mar kale yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo intaas ku sii daray “haddii ay hayaan Ajende siyaasadeed, waxaan diyaar u nahay in aan la hadalno, arrinta labaadna waxaa asal u ahaan kara diinta , sidoo kalena waxaan diyaar u nahay in aan kala hadalno”.

Waxaa uu ka hadlay Shiikh Shariif Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ay Dowladda Washington ku dartay liiska argagixisada, wuxuuna sheegay in dhalinyarada Al-Shabaab waxa ay aaminsan yihiin ay yihiin wax aysan ku dhalan, hayeeshe waxaa uu xusay in ay isku dayayaan in ay kala hadlaan sida ay muhiim ugu tahay in ay ka mid noqdaan Ciidamada ka shaqeynaya Danta Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina, Shiikh Shariif waxaa uu ka hadlay rajada uu ka qabo in ay miro ka soo baxaan wada hadallada Jibouti oo ay weli ka maqan yihiin rag mucaarad ah, wuxuuna sheegay in ay jirto rajo weyn oo lagu soo dhisayo dowlad-midnimo-qaran.

“Ma jiraan wax kala duwanaasho weyn ah oo u dhaxeeya dadka Soomaaliyeed, laakin waxaa jira dad kalluumeysato ah oo ka jilaabta badweynta siyaasadda, kuwaasi oo doonaya in ay burburiyaan sawirka dadka wanaagsan, waa in aan wajahnaa, kadibna aan joojinaa inta aysan caqabad ku noqon dadaallada socda”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah musharaxa kaliya ee ay Isbaheysiga u xoreynta Soomaaliya u soo sharaxdeen Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia