Afhayeenka Al-Shabaab oo meel fagaare ah kala hadlay Dadka Baydhabo

Cabirka Farta

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur)
Talaado, January 27, 2009(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa wuxuu meel fagaare ah kala hadlay dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo.

Abuu Mansuur oo la hadlayay dad isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ugu baaqay dadkii uu la hadlayay in ay Allaah u towbad keenaan, kadibna ay uga mahadceliyaan dhibaatadii iyo Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee uu ka dul-qaaday.

Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu sheegay in aaney jirin cid dhibaato loo geysan doono, wuxuuna caddeeyay in ay ku boorinayaan Dadka ku dhaqan Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Baydhabo in ay qaataan ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Dadkii uu la hadlayay ayuu u caddeeyay Abuu Mansuur in aysan ugu imaanin in ay wax qabsadaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in wixii ay u dagaallamayeen ay ahayd sidii Ciidamada Itoobiyaanka ahaa looga saari lahaa Soomaaliya, kadibna ay dadka isugu xukumi lahaayeen Kitaabka Alle, “Ma jirto qof si gaar ah loo raadsanayo, qofkii dembi galay allaah ha u towbad keeno hana qaato kitaabka alle, qofkii aan rabin in uu Kitaabka Alle qaatana waa mujrim waana lala dirirayaa”ayuu yiri Abuu Mansuur oo sheegay in aaney aqbali doonin in wax aan ka ahayn Kitaabka Alle lagu dhaqo dalka Soomaaliya.

Abuu Mansuur oo sii hadlayay waxaa uu muddo labo maalmood ah u qabtay dad shalay bilililiqo u geystay xarumaha Madaxtooyada ADC-da iyo Xarunta Warshaddii Xasey, wuxuuna faray dadkaas in ay soo celiyaan waxyaabihii ay meelahaas ka qaateen.

Sidoo kalena Abuu Mansuur waxaa uu Dadka Baydhabo u sheegay in ay hubka guryaha ugu jira bannaanka soo dhigaan si buu yiri loogula dagaallamo cadaw weli dalka ku harsan. Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu sheegay in ay dhawaan maamul Islaami ah u sameyn doonaan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Dadweynaha magaalada Baydhabo ayaa waxay u muuqdeen kuwo si weyn ugu qanacsanaa in ay Xoogagga Al-Shabaab la wareegaan gacan ku heynta Magaalada Baydhabo, waxaana taasi laga dareemayay tirada dadka isugu soo baxay Garoonka Kubadda Cagta Magaalada Baydhabo.

Xoogagga Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa haatan waxay ku sugan fariisimadii ay shalay aroortii  ka baxeen Ciidamada Itoobiyaanka ahaa, gaar ahaan Warshaddii Xasey, Madaxtooyada, ADC-da (Xaruntii Baarlamaanka) iyo Garoonka Diyaaradaha Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia