Xaaladda Magaalada Baydhabo oo degan iyo Xildhibaannadii shalay lagala wareegay magaaladaas oo Jibouti ku sii jeeda

Cabirka Farta

Talaado, January 27, 2009(HOL): Xaaladda Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa saaka waxay tahay mid degan, waxayna deganaantaas timid kadib markii shalay gacan ku heynta magaaladaas ay la wareegeen Xoogagga Al-Shabaab.

Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa xalay waxay seexdeen hurdo aan cabsi iyo qaraw lahayn, halka habeenno sii horeeyay ay seexan jireen iyagoo niyadda ku haya goorta magaalada la soo weerari doono, isla markaana ay dushooda ku dagaallami doonaan Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo isku dhinac ah iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.

Xalay magaalada Baydhabo waxaa si caadi ah u shaqeynayay goobaheeda ganacsiga, dadkana si caadi ah ayay isu dhex mushaaxayeen, halka intii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen Magaaladaas goobaha ganacsiga albaabada loo laabi jiray inta aysan qoraxda dhicin.

Dadka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ayaa waxay u muuqdaan kuwo uu ka degay culeys fara badan oo ay ku hayeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay aroortii isaga baxay magaaladaas iyo weliba maamulkii gobolka Bay oo ciidamadiisa ay mar kasta magaalada ka sameyn jireen howlgallo mararka qaarkood ay dhibaatooyin ka dhashaan.

Dhanka kalena, Xildhibaanno shalay lagu qabtay Magaalada Baydhabo balse wada hadal kadib la sii daayay ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku sugayaan diyaarad u qaadi doonta Dalka Jibouti.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia