Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay uu geystay Nin Ajnabi ah

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
Sabti, January 24, 2009(HOL): Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Taliska Booliska ayaa shaaca ka qaaday in qofkii fuliyay qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarrama uu ahaa nin Ajnabi ah.

Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in baaritaanno hordhac ah oo ay heleen ay ku ogaadeen in qofka qaraxaas fuliyay uu ka soo jeedo dalalka Carabta, wuxuuse sheegay in aysan weli helin  magaca qofkaas, dalka uu ka soo jeedo, meesha uu Soomaaliya ka soo galay iyo meesha laga soo diray.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in qaraxaas ay khasaare xoog leh ka soo gaartay dad rayid ah oo la socday Gaari BL ah oo socday halka uu qaraxa ka dhacay oo ahayd inta u dhaxeysa Saldhigga Booliska Waaberi iyo gurigii Shaqaalaha ee Wadada Maka Al-Mukarrama.

“Aad ayaan uga xun nahay dhibaatada dadkaas soo gaartay, waxaana tacsi u direynaa qoysaskii iyo ehelladii ay ka geeriyoodeen”ayuuna yiri Cabdi Qeybdiid oo sheegay in dadkii qaraxaas soo abaabulay ay ahaayeen kuwo aan u naxeynin shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kalena, Afhayeenka Ciidamada Amisom Major Bridgye Bo-huko oo qaraxaas ka hadlay ayaa sheegay in weerarkaas uusan ku soconin ciidamadooda, balse sida uu u yiri loola dan lahaa dad shacab ah oo aan waxba galabsan oo ku sii jeeday goobahooda shaqo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ilaa iyo haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo maanta qaraxan sheegtay, kaasi oo ku saabsan waxa ka jira in qofka qaraxa fuliyay uu ahaa Nin Ajnabi ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia