
Sabti, January 24, 2009(HOL): Xafladan Caawa lagu Maamuusayay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya Dalka laguna taagerayay Hanaanka Nabada Jabuuti ,waxaa soo agaasimay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Qaahira.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Dadweyne aad u fara badan waxayna isugu jireen Haween, Rag,Caruur,Aqoonyahano ,Indheer garad,Ganacsato,waxayna Dadku Muujinayeen sida ay ugu faraxsanyihiin in Ciidamada Itoobiya ay iskaga huleeleen Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka Qaar ka mid ah.

Ugu horeen Munaasabada waxaa ka hadlay u qabilsanaha Magaalada Qaahira hay'ada Nabada iyo Hormarinta Bulshada Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ku dheeraday dhibatada dalka ka dhacday mudada sided iyo tobanka sana ah iyo sida lagu gudbi karo waxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed Guud ahaan in ay ka shaqayaan Nabada wax kastana ay ka hormariyaan sidii Nabada loga shaqeyni lahaay ,waxuuna dadka ka soo qayb galay muunasaba ka codsaday in la taageero dadaalada Nabada ee Jabuuti ka socdo.
Sido kale waxaa isagane goobta ka hadlay Korneel Cabdi Xaashi Baraale oo sheegay in shacabka soomaaliyeed waqtigaan uu u bahanyahay nabad loona bahneen dagaal danbe iyo anaa ka xoog weyn iyo anaa ka xoog weyn,waxuuna si gaar ah uga hadlay shirka Jabuuti isagoo xusay in shirka jabuuti loo bahanyahay in la balaariyo si uu u noqdo shir mira dhala.
Cabdi Xaashi Baraale ayaa sido kale meesha ka jeediyay hadal soo jiitay ka soo qayb galayaasha xaflada isago ku tilmaamay Barlamaanka Soomaaliya inay yihiin Mopel ninki lacag ku shubtana uu ku hadlo taas uu ula jeeday in Barlamaanka Soomaaliya ay lacag ku shaqayaan.
Dhinaca kale waxaa iyadane u hadashay dhanka haweynka Safiyo Axmed Cumar oo shegtay in ay ka go'antahay hawenka Soomaaliyeed in ay tageeraan Nabad iyo dib u heshiisiinta ka socota Magalada Jabuuti.
Xafladaan sido kale waxaa ka oo qayb galay Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Soomaliiyeed SYO mudane C/rixmaan Tuuryare iyo abwaanka da'da yar abwaan C/Naasir Axmed Khayre oo loo yaqaan (C/Naasir Abtiga ) iyo al fanaan Saabir
Gabagabadii Xaflada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar waxay si wada jir ah waxay u soo saaray bayaan ka kooban shan qodob islamarkaane loo qaybiyay Bahda Saxaafada waana sidan soo socota.
1.Jaaliyadda Soomaalieed ee Masar, waxay soo dhawaynaysaa islamarkaana tageeraysaa ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ay ka baxeen Caasimada Soomaaliay iyo Gobolada Dalka Soomaaliya.
2. Jaaliyadda Soomaalieed ee Masar, waxay hambalyo u diraysaa dhamaan Muqaawamada Dhiigooda iyo Naftooda u huray xoraynta Dalka Soomaaliya, iyo Siyaasiyiinta iyo Culumada Soomaaliyeed ee ka geestay gacanta in Ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Dhulka Soomaaliya.
3.Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar,waxay si gooni ah u soo dhawaynaysaa dib u heshiisiinta ka socota Dalka Jabuuti gaar ahaan dowlad wadaaga lagu wado in lagu soo dhiso dalka Jabuuti.
4.Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar,waxay soo dhawaynasaa baqyada ka soo yeerayo Culumada ,odayaasha Dhaqanka ,Ganacsatada ,aqoonyahanada iyo haweenka Soomaaliyeed ee ah in la taageero dib u heshiisiinta haatan ka socota islamarkaasina laga waantoobo in dhiig danbe oo soomaaliyeed ladaadiyo .
5. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar, waxay ku baqaysaa in la joojiyo Saansaanta Colaadeed ee ka jirta Magaalada Muqdisho iyo Gobolada kale ee dalka.


Raage Cali Dheere
[email protected]
Qaahira, Masar
Munaasabad lagu maamuusayay ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya, laguna taageerayay hannaanka Nabadda ee Jabuuti oo ka dhacday Magaalada Qaahira
More News
- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sheegay in Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay uu geystay Nin Ajnabi ah
- Maxaa ka socda Jibouti?
- 15 Ruux oo ku geeriyootay Qarax is-miidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay iyo Ciidamada Amisom oo Duqeeyay Suuqa Bakaaraha
- Xildhibaannadii ugu dambeeyay oo saaka labo diyaaradood ay ka qaaday Magaalada Baydhabo
- Gabdhaha Kubadda Kolayga HEEGAN IYO HORSEED oo isugu soo haray ciyaarta kama dambeysta ah ee Horyaalka 25aad ee Kubadda Kolayga Soomaaliya
- Isbitaalka SOS oo si rasmi ah u shaqo bilaabay kadib bixitaankii Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Muqdisho
- Waxyaabihii keenay dagaalladii ka dhacay Wadajir iyo Dharkeenley oo maanta la xalinayo
- Odayaal ka soo kala jeeda Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe oo wada dadaallo lagu dhameynayo Colaadxa u dhaxeysa beelo kala daga labada Gobol
- Ardeygii Soomaaliyeed ee lagu dilay Malaysia oo la aasay